Sida Ugu Habboon Ee Shirka Shaqo Ee Aad Guddoominayso Uga Dhigi Karto Midho Dhal (Q:2)

0
615

Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii labaad ee qormadii ka hadlaysay sida ugu fiican ee qofku uu shirarkiisa shaqo uga dhigi lahaa kuwo dhala midhaha uu ka filanayo. Shirarkan oo ay qormadu u qaybisay shan nooc waxa ay mid mid u soo bandhigaysaa shir kasta waxaa laga filayo, sida uu inta badan u dhaco iyo talada ugu habboon oo ee shirkadda barnaamijyada ee ASANA ay siinayso ruuxa agaasimaya shirka si uu midho dhal ugu noqdo:

3. Shirka is xog-waraysiga toddobaadka: Shirkan oo afka qalaad lagu yidhaahdo, ‘Weekly Status Update’ waa shir masuulka shaqada ka caawinaya in uu ka war-hayo shaqadu halka ay marayso, iyo in isaga iyo hawlwadeennada shaqadu sidii la rabay jiho u wada socdaan.

Maxaa dhaca?: Marka kulankan la isugu yimaaddo qof kasta oo shaqaalaha ka mid ahi waxa uu doonaa in uu afka furto oo uu ka hadlo arrimo qaarkood ay ka baxsan yihiin mawduuca ama u badan in ay yihiin kuwii aan shir noocan ah lagu xallin karayn. Dhinaca kalana dad badan ayaa ka fahma qalad oo sheekooyin caadiya soo dhex gashada, ama waxaaba dhacda in aan la is dhegeysan iyada oo aanay xubnuhu dareensanayn qiimaha shirka noocan ahi leeyahay.

Xalka ASANA: Marka aad aragto in shirarku ay sidan kaaga dhacaan waxa aad ku dadaashaa in shirka toddobaadka ka hor aad shaqaalaha oo dhan u dirto qoraal kooban oo faham guud ka bixinaya shirka iyo waxa looga baahan yahay, sidoo kale waxa aad ku dadaashaa in qof kasta aad ku qanciso in uu soo diyaarsado qoraal daqiiqado yar gudahood uu ku soo bandhigayo waxa uu hayo ee u dambeeyey iyo caqabadaha degdegga ah ee jira ee lala xallinayo, ama meelaha fahamka uu uga baahan yahay.

4. Maskax-tuujin: Maamulaha shaqo waa in uu qabtaa kulamo waqtiyeed u dhigan qaab sheeko iyo aqoon is-weydaarsi ah oo uu ku tuujinayo maskaxda shaqaalihiisa si uu u helo fikradaha muhiimka ah ee qof kastaa hayo ee anfacaya shaqada hadda iyo mustaqbalka labadaba.

Maxaa dhaca?: Waxa aad heli doontaa aragtiyo iyo fikrado cusub oo sida daadka u soo burqada, laakiin haddana marka aad u fiirsato aad arkayso in aanay wax xidhiidh ah la lahayn waxa ay tahay in aad qabato, waqtiga dhow.

Xalka ASANA: Marka hore sii diyaari fikradaha muhiimka ah ee aad u aragto in loo baahan yahay, adiga oo sida ay u kala mudan yihiin u kala horreysiinaya kadibna ku bilow kulanka oo soo bandhig, waxa aad arki xubnaha shirka oo afkaartaas mid kastaa inta uu mid qaato si laga yaabo in ay sidii aad u arkaysay ka xeel-dheertahay u soo bandhigaya, wax badanna ku sii qurinaya ama keenaya fikir aan ka fogeyn taas oo ka saxsan, shaqadana kaga habboon.