Sida Loo Dhiso Guddi Farsamo

0
883

Guddi farsamo waxaa looga jeedaa,waa guddi loogu talo galay in ay sii diyaariyaan,arimaha laga wada hadlayo sida muwduucada laga wada hadlayo,daraasad(Cilmi baadhista ahaan),Farsamo ahaan  iyo dhaqaale ahaan.Guddi farsamo,waxay u sii fududaysaa guddida wada hadalka ee rasmiga ah, dhamaan wixii ay u baahan yihiin, wada hadalka rasmiga  ka hor inta aan la bilaabin.

2da nooc ee Guddida Farsamo:-

Guddi farsamo oo kuu gaar ah.(Dowladada -amase idinka).

Gudi farsamo oo isugu jirta labadii dhinac ee wada hadlayey(marka ay ku heshiiyaan labada dhinac)

Shaqada Guddida farsamo:- 

Shaqada ay qabanayso,amase laga rabo in ay diyaariso guddidu waxaa ugu muhiimsan kuwan hoos ku qoran:-

Maxaa laga wada hadlayaa(qodobada laga wada hadlayo- cinwaanka laga wada hadlyo-iyagoo u soo kala hor marinaya sida ay u kala fudud yihiin).

Diyaarinta Daraasaad Cilmi ah,oo ku saabsan mawduuca laga wada hadalayo—arimaha laysku hayso, guud ahaan  iyo mid mid gaar ahba.

Diyaarinta wixii markhaati u ah arimaha laga wada hadlayo sida:-

Dhukmantis  qoraan ahaan –maqal  iyo muuqaalba.

Diyaarinta Khariidadaha wadanka ee Dhulka—Cirka iyo Badda oo sax ah.

Wixii Shuruuc ah ee markhaati u ah arinta  aad ka wada hadalaysaan.

Wixii heshiisyo ah ee hore aan u wada gasheen— ma fuliseen?— Maxay u fuli waayeey—yaa fulin waayey labada dhinac ?

Diyaarinta goobta lagu wada hadlayo,dalka iyo dibadda halkii ay tahay.

Diyaarinta sida loo fadhiisanayo goobta wada hadalka .

Wada hadalku waa noocee -2 geesood—3 geesood—dhinacyo badan,mid kasta wuxuu leeyahay u diyaar garoow gaar ah.

Guddida farsamo waa muhiim in ay ogaato ,haddii cid kale idin dhex dhexaadinayso,kuwaasi ma yihiin qaar aad ku kalsoon tihiin dhiniciina,wax xidhiidh ah oo dhow ma la leeyihiin dhinaca kale aad wada hadlaysaa iwm

Inta maalmood ee uu soconayo wada hadalku(waa in uu jiraa xilli cayiman,iyagoo ku salaynaya mowduuca laga hadlayo).

Diyaarinta guud ahaan Dhaqaalaha  ku baxaya wada hadalka sida(Gaadiidka guud ahaan—hurdada—Cuntada – goobta shirku ka dhacayo iyo agabka looga baahan yahay  oo dhamaystiran sida Waraaqaha—Qalimada-Tv-yada iwm.

Shaqsiyaadka ugu haboon ee loo xulo guddida farsamo:-

Shaqsiyaadka loo soo xulo amase loo doorto guddi farsamo,marka laba dal wada hadlayaan,waa muhiim in ay ka mid noqdaan amase koobnaadaan:-

Aqoonyahano ku xeel dheer arimaha laga wada hadlayo (guud ahaan iyo gaar ahaanba )

Aqoonyahano ku xeel dheer arimaha Xuduudaha(Dhulka-Badda iyo Cirka)

Saraakiil Ciidan(aqoon  dheer u leh Ciidamada iyo guud ahaan amaanka.

Siyaasiyiin iyo Diblomaasiyiin aqoon u leh noocyada wada hadalada.

Sharciyaqaano aqoon fiican u leh Shuruucda Caalamka iyo kuwa idinka idiin gaarka ahba.

Aqoonyahan ku xeeldheer farsamada casriga ah (IT)

Haddaba marka guddida farsamo ee noocan ahi ah si buuxda u soo dhamayso howsha farsamo ee wada hadalka aad doonayso in aad ka qayb gasho,ayaa waxaa la bilaabayaa xulista guddida kaaga qayb gelaysa wada hadalka rasmiga ah,ee aad isku hor fadhiisanayaan  cidii aad wada hadlayseen sida laba dowladood ee wada hadalku ka dhexeeyey.

—– la soco  qaybta dambe iyo sida loo xulo Guddida wada hadalka kaga qayb gelaysa

ALLAA.              MAHAD.    LEH

ALLAA. M A H A D    L E H

Danjire: Abdi M.Saleiman(Mingiste)

abdi_saleiman@hotmail.com

  1. Abdi Saleiman.

Twitter:  @_saleiman.

Skype: abdisaleiman1