“Sicir Bararka Siyaasad Xumo Iyo Fashilaad Xumo Xukuumadda Ah Ayaa Wax Lagaga Qaban Kari Waayay, Noloshii Iyo Maceeshadiina Meel Xun Ayay Maryaan”

0
757

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiilada, Cabdiraxmaan Cismaan Caalin, ayaa ka hadlay Sicir Bararka,waxaanu tilmaamay in qorshe xumo dhinaca Xukuumadda ah ilaa hadda aan waxba lagaga qaban, balse Xukuumadda looga baahan yahay dhiirato oo ay la timaado siyaasad cad oo wax lagaga qabanayo sicir bararka oo saameeyay noloshii dadka shacabka ah.

Guddoomiyaha Guddida Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiilada, Cabdiraxmaan Cismaan Caalin,oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Guddida ka soo kabashada abaaraha, waxaanu cadeeyay in deegaano ka mid ah gobalka Hargeysa sida degmada Salaxley laga wado olole dad  lagu qorayo iyadoo laga qaadanayo toban dollar, loona sheegayo in lagu dari doono liiska dadka lagu caawinayo lacagaha la soo ururiyay.

 Ugu horayn xildhibaanka oo uu Geeska Afrika weydiiyay sida uu u arko xaaladda sicir barar ee dalka ka taagan wuxuu yidhi  “Waxaad mooda in laga baqayo Sicir bararka iyo in qiimaha sarifka wax laga qabto, Maceeshadii iyo  noloshii dadku meel xun bay marayaan, Xukuumaddiina inta ay maalin walba meel soo fadhiisto oo ay afar kalmadood ka yidhaahdan, ayey ka dhaqaaqaysaa, Sicir Bararkana  Siyaasad xumo iyo fashilaad xumo Xukuumadda ah ayaa waxa lagaga qaban waayey,Sicir bararku ku dhiirasho ayuu u baahan yahay, inta wax aanay sarkaaro ka biiqsan la isku mashquulinaayo, waxa loo baahan yahay in deg deg wax looga qabto, oo la kaco oo Xukuumaddu ku dhiirato, oo Wasaaradda Maaliyadda, Baanka Iyo guud ahaan Qaranku inuu arintaas u guntado ayaa loo baahan yahay, anigu taladaas ayaan ka bixinayaa”.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere mar aanu wax ka weydiinay  sida uu u arko aragti dadka qaarkii aaminsanyihiin oo ah in tirada wasiirada ee badan iyo wasiiro xilal laga qaaday oo weli mushaharkii qaataa ay qayb ka yihiin sicir bararka wuxuu yidhi  “Anigu mushkilad uma arko in Wasiir yar oo mushahar qaadanaya iyo wax la mid ahi inay sicir bararka door ku leeyihiin, ee waxa muhiim ah inaynu gacan saar la yeelano mushkiladeena, oo si toos ah wax looga qabto”.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere mar uu ka hadlayey Guddida dhawaan la magacaabay ee ka soo kabashada abaaraha ayaa yidhi “Guddidii dhawaan la abuuray ee ka soo kabashada abaaraha, waxaad mooda in lacagta la ururinayo qorshe la’aan lagu ururinayo, haddii aanu qorshuhu lacagta ka horeyna, dhib badan baynu mudan doonaa, lacagtaasina waa lacag bilaw ah oo weji wanaagsan iyo niyad wanaagsan lagu bilaabay, haddii Siyaasad xumo iyo qorshe la’aani ku dhacdana, niyad jab ayaa ka iman doona guud ahaan dalka, dib dambaysana dariiqo loo isticmaalo noqon mayso”.

Cabdiraxmaan Dheere mar uu ka hadlaayey qorshayaasha wax lagaga qaban doono lacagta loo ururiyey abaaraha, wuxuu yidhi  “Dhawr arimood baa igu maqaale ah in qorshaha ku jirto in wax laga qaban doono, in la yidhi Ceelal iyo Baliyo ayaa la qodayaa, iyo in la yidhi dadka oo lagu raro iyo xoolo loo iibiyo iyo beero loo qoodo, anigu saddex arimood waxaan odhan ahaa suurtagal bay noqonaysaa in wax lagaga qabto, in Ceelal la qodo iyo in Baliyo la sameeyaa waa Siyaasad muhiim ah, oo waxtar ah oo arinta abaaraha wax badan ka taraysa, dadka imika soo kici kari waayey oo qayla-dhaankoodii taagan yahay in Guddidaasi qorshe u sameeyso  ay ku soo rarto, iyana waa Siyaasad maquul ah, oo u baahan in qorshaheeda la galo, saddexaad arimoodba waxaan u arkaa inay midho dhal yihiin, laakiin xoolo ayaa la iibinayaa, imisa qof baa loo iibinayaa, imisa qof baa beero loo qodayaa, qaabkee loo qodayaa, dadka barakacay kumaan kun weeye, sidee ayaa cadaalad loogu sameeynayaa, yaa soo tirikoobaya, imikaba qaar baa la yidhaahda waa la tirikoobayaa, oo lacag baa laga qaada, oo imikaba meelo ka mid ah oo Salaxlay ka mid tahay, waxa la igu yidhi qofka la diiwaangelinayo 10 doolar baa laga qaadaa, qaabkaas cadaalad daro badan baa ku iman doonta, oo waa qaabka lacagta lagu cuni doono. Markaas waxaan odhan lahaa xoolo iibkaas iyo beero qodistaasi haddii aanay qorshe cad lahayn, midho dhal ma noqon doonaan, yaan dadka buuq lagu galinin, waxyaabaha midho dhalka ah ee abaarta wax ka taraya, xooga ha la saaro, haddii Beeraha la qodayo cadaalad lagu qodayn, Xoolaha la iibinayana si cadaalada ah dadka loo soo xulayn buuq badan baynu ku geli doonaa, ee waxaan leeyahay qorshe cad oo laga fiirsaday ha noqdo, oo yaan lagu deg degin”

Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere oo hadalkiisa sii wata kana hadlaya guddigii abaaraha ee hore u jirtay wuxuu yihdi  “Guddidii hore ee abaaraha ayaa wagash-wagash badani inagaga dhacday, haddii Guddideenii ay wagash-wagash ka bixi waayana soo ayaan daro maaha, ee waxaan ku talinayaa in Guddidani qorshe sugan oo mug leh, oo ay ka fiirsadeen wax u qorsheeyaan, muddo badan oo 45-cisho ah ayuu Madaxweynuhu qabtee, si fiican wax ha uga fiirsadaan, haddii kale oo qorshahaasi murkacdana dib uga soo kaban mayno”

Xildhibaan Cabdiraxmaan Dheere mar uu ka hadlaayey Shuban Biyoodka ka dilaacay Burco ayaa yidhi “Shuban Biyoodku waa xanuun aad u khatar ah, oo hadaan siyaasad iyo ka hor tag loo sameeyn dhibaato badan inoo geysan kara, markii hore Shuban Biyoodku jiida Itoobiya ayuu inaga soo galay, wuu soo gudbay, Somaliland baanu u soo gudbay, oo inuu hadda Burco dad ku dilay waanu ognahay, haddii Dawladda Somaliland oo ay hogaaminayso Wasaaradda Caafimaadku, aanay Siyaasad deg deg ah iyo ka hor tag iyo maamul loo sameeyna, uu inagu fidi doonaa, oo gudaha ayuu inoo soo gali doonaa, oo waa taas imikaba la sheegayo in Magaalada Burco 26 qof ugu geeriyoodeen, tiro badan oo dad ahna waa la daweeynayaa, meelo kalena oo ka tirssn dalkana uu ka jiraa, markaas waxaynu u baahan yahay inta uu ka qabashada leeyahay in laga hor tago, oo siyaasad guud laga yeesho”