Siciid Sulub Oo Ka Hadlay Magacaabista Danjire Cawil, Lana Weydiiyay Inuu Aqbalayo Haddii Uu Isna Madaxweyne Siilaanyo Xil U Magacaabo

0
602

Hargeysa (Geeska)-Wasiirkii Hawlalha Guud ee Xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin Siciid Sulub Maxamed oo haddana ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ka hadlay sida uu arko xilkii uu Madaxweyne Siilaanyo u magacaabay Amasadoor Xuseen Cali Ducaale (Cawil), oo ay yihiin saaxiibo isku dheer, isla markaana Xukuumaddii hore ka wada tirsanaa, waxa kale oo uu ka hadlay sida uu yeeli lahaa haddii isaga xil loo magacaabi lahaa.

wwwwwwwwwwwwwwwwwwwwwwwwwwwwwwww

Siciid Sulub, oo uu waraysi la yeeshay wargeyska Geeska Afrika, waxa kale oo uu ka hadlay siyaasada dibadda ee wakhtigan iyo wakhtigoodii, isagoo sidoo kale la weydiiyay isbarbar dhiga hantidii uu ay dawladii Rayaale ee uu ka tirsanaa iibisay iyo hantida uu madaxweyne Siilaanyo iibiyay. Waraysigaasi wuxuu u dhacay sidan

Sidee ayaad u aragtaa in Amasadoor Cawil oo aad tihiin saaxiibo isku dheer, Xukuumaddii Daahir Rayaale ka wada tirsanaydeen in Madaxweyne Sillaanyo uu xil u magacaabo?

Cawil waa Oday Qaran oo aanu saxiib ahayn, Siyaasiyaasadana aanu saaxiib ku ahayn, muddo dheerna Wasiiro soo wada ahayn isku dhaw, xilkaas loo magacaabay ee la taliyaha Madaxweynaha markii hore walaahi way igu adkaatay aniga, oo waxa ay ila noqotay in meeqaamkiisa meel ka hooseeysa loo magacaabay, dabadeed waan diiday, hase ahaate markii aanu is aragnay Cawil, wuxuu igu qanciyey  in labadan arimood ee la ii magacaabay ee mid tahay wada hadalada Somaliland iyo Somaliya midina ay tahay ictiraaf raadinta, madaama aan Oday Qaran ahay, Siyaasi horena ahayn in wixii aan ka tari karo aan ka taro, waxa uu ii sheegay inuu labadaas sheegay uu wax ka tari karo, aniguna runtii waan ku qancay markii dambe inuu labada arimood uu wax ka tari karo, oo labadaas arimood oo waa laba arimood oo ay runtii Somaliland aad ugu nugushay, waa labada meelood ee aan ka dhutinayno, in ictiraaf loo helo Qarankan dhawr iyo labaatan jirsaday iyo in wada hadalada Somaliland iyo Somaliya oo si daciif ah loo galaly ama loo galay si aan ahayn sidii aynu rabnay, oo aad u jilicsanayd, in la helo dad ruug cadaaya, oo Cawil oo kale ah ama Raggii joogay wakhtigii aynu Ingiriiska calanka ka qaadanay ee Dawladdii Shacabka ahaa joogay, ee Dawladdii Milatariga ahaa joogay, oo garnaqsan kara, oo garta Somaliland qarnaqsan karaya,markaas kadib markii aanu is aragnay Odayga runtii wuu ugu qanciyey arintaas, labada shay ee aynu u nugul nahay waa wada hadalada Somaliland iyo Somaliya iyo Ictiraaf raadinta, cid kasta oo arintaas taageeraysa ama wax ku taraysa anigu waan ku taageerayaa.

Adigu Siciiid Sulub ahaan haddii uu Madaxweyne Axmed Siilaanyo xil ku magacaabo ma qaadan lahayd?

Walaahi dadku waa kala afkaar, waana kala mabaadii, dadku waana kala yar fiican yahay ama wuu kala yara fariidsan yahay, oo mabaadida iyo afkaarta qaar baa badbadasha, maah-maah baa tidhaahda halkan ku qoyaan sado ayaan ku qalalsadaa, markaas anigu noocaas ayaan ahay oo halka ay ku qoyaansadaan ama gala aan hore uga bixin, anigu imika Xisbi ayaan ku jira, oo aan ka tirsan ahay, madaama aan Xisbi ku jiro oo aan u arko in Xukuumaddan maanta jirta yo Xisbigeeda talladda haya in meesha laga badalo fikirkaygu maaha in aan xil ka qaato Xukuumadda maanta  jirta.

Haddii aad is barbar ku sameeyso Siyaasada Arrimaha Dibada ee Xukuumaddan iyo Xukuumaddiini maxaad is leedahay way ku kala duwan yihiin?

Arintaas aad baa looga hadlay anaguna waanu ka hadalnay aad iyo ayuu dib u dhaca weyni ugu dhacay Siyaasadii Arrimaha Dibada ee Somaliland, wakhtigayagii Somaliland waxa ay ahayd dal i faya oo soo baxaya, oo Calaamka iyo Ururada ku jira, sida Ururada Afriika,kuwa Caalamka ay soo dhaweeyeen oo la iib geeyey wax-qabsigeenii, Nabadgaliyadeenii, maamul fidinteedii, Dimuqraadiyadii oo aanu hirgalinay oo Dawladdayadaas hore ay hirgalisay oo afar Doorasho oo mid walba si salmiya ku dhacday ayaa la galay, waxa soo dhawaa aqoonsiga iyo inuu Calaamku inoo soo jeesto, oo la inoo arko dal iyo dad ka duwan dalalka Afrikaanka xorta ah, runtii taasi dib ayey u dhacday, oo Xukuumaddani waxay ku mashquushay lacag sameeyso, Lacagta ama dibada ha ka keento ama gudde, lacagtaas oo badh kolay badh wax lagu muujiyey waxna lagu qabtay, badh badana oo la lumiyeyna ay jiraan, waxa kale oo ay ku mashquushay is dhexgalka Somaliland iyo Somaliya, oo wada hadalo aan macno lahayn oo meeqaamkeenii, horumarkeenii ama gooni isutaageenii wax u dhimay la galay, waxa la soo ururiyey ama la soo koobay dadkii ina taageeri jiray, oo waxa meesha laga saaray dadkii ina taageeri jiray, Safaaradihii ama Wakiiladii aynu caalamka u dirsanaynay ee inoo joogay ayaa intoodii badnayd meesha ka baxeen, Wasiirka cusub ee la magacaabay waan arkayaa oo halka uu ka bilaabay waa meel  fiican, taas oo looga sii dhawaado ayey ila tahay.  

Xukuumaddii Daahir Rayaale waxaad ahayd Wasiirka Hawlaha Guud, Xukuumaddana wakhtigaas oo ay mucaarad ahayd waxa ay idinku dhaliili jirtay in Hantida Umadda aad iibisaan,markaas marka loo eego iibka Hantida Umadda Xukuumaddiini iyo Xukuumaddan tee ayaad is leedahay wey ku badan tahay?

Aniga wey ii muuqatay markii ay Qolada Kulmiye ku soo socotay xukunka inay ku soo socdaan hanti boob, maalin London aan joogay oo aanu Saddexda Xisbi ku doodaynay oo wax la i weydiiyey, waan sheegay in Kulmiye waxay ku soo socdaa ay tahay hanti boob,oo markaas waxa ay ka hadli jireen wax baa la cunay, oo ninka ay meeli buktaa isaga ayey balbashaa, haddii aad maqasho waxbaa la cunay waa nin doonaya inuu wax cuno, wax kale kamay fikiri jirin ee wax baa la cunay iyo wax baa la iibsaday ayey ka fikiri jireen,markaas fadeexada iyaga ayaa iskugu filano,oo haddaad hadaladoodii barigii hore dib u raacdo, hantida la iibiyey afar ilaa shan guri oo bilicda magaalada wax badan ka taray oo tijaarta waaweyn ee Somaliland laga iibiyey ama lagu wareejiyey ayaa jiray, oo Hindiya laynka ku yaalay, Shantii Guri Somaliland maanta wey u ayday, oo qof kasta oo Somaliland yimaada waxa uu u arkayaa in Guriyo qaaliya ay dalka ka dhisan yihiin,quruxdii magaaladana wey kordhisay, Guryaha barigii hore la bixiyey ee Madaxweynihii hore bixiyey, waxa ay ahaayeen Guryo la siiyey Agoomo ama rag mudakar ah oo u qalma abaal gud loo siiyey, laakiin maanta anigu kama hadli karo oo Shacabka oo dhan ayaa ka hadlay oo wax la is barbar dhigi karo maaha,muraadkii ay lahaayeen ee ahaa inay xaalufiyaan Hantida Qaranka ama ay meesha ka saaraan ayey bilaabeen, oo si xishood la'aan ah u galeen, markaas waxa aan u maleeynayaa in aanay aniga ka hadal iiga baahnayn oo inay banaystaan ayey doonayeen, cid alaale cid ay tixgalinayaan ma jirto, waxa ay doonaan ayeyna iska yeelayaan, markaas taasina waa wax ILLAAHAY laga hoos galo, oo wax la is barbar dhigi karo maaha, oo waa xaalufin oo in aan waxba loogu iman ayaanu ka baqaynaa.

Khilaaf ayaa ka dhex taagan Guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe iyo Musharaxa Madaxweyne Jamaal Cali Xuseen maxaad ugu baaqaysaa?

Xisbiga UCID waa Xisbi Qaran, Xisbiyada Qarana dad baa ku farxa burburkooda iyo khilaafkooda, Faysal taariikh dheer ayuu leeyahay, oo uu siyaasada ku jiray ama  muuqday, Xisbiguna taariikh buu leeyahay oo waa Xisbigii labaad ee Qaranka ee soo baxa, Jamaalna taariikh buu leeyahay oo waa ninkaas aqoonyahanka ah ee imika iisa soo saaray, markaas waxa aan odhan lahaa labada saaxiib inay heshiiyaan ayaa Qaranka, naftooda iyo Xisbigooda dawo u ah.