Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, ayaa dhaliilay qaar ka mid ah siyaasiyiinta isbahaysiga ee dhawaan ku biiray xisbigii uu hore uga tirsanaa ee Waddani, waxaanu sidoo kale hambalyo iyo bogaadin u diray murashixiinta loo doortay jagada madaxweynaha iyo madaxweyne-xigeenka ee xisbiga Waddani.
Xildhibaan Siciid oo waraysi gaar ah siiyay telefishanka HCTV, wuxuu yidhi “Markii aanu helnay ee Xisbigii Kulmiye helay dawladnimadii wixii aanu umadda ugu ballan-qaadnay iyo barnaamijkayagii iyo is beddelkii khayrka qabay ee aanu doonaynay rag baa naga bedelay, raggii naga baddelay ee jiho habaabiyey ee ilaa maanta aamusnaanta reer Somaliland ka aamusan yihiin xisbiyada ragga baday ayaa maanta nagu soo biiray, raggaan anigu uga tegay Xisbiga Kulmiye ee dhibanaha iga dhigay ayaa nagu soo biiray. Markaa waxaan idiin sheegaayaa cidhinib la’aani inay kana ku soo socoto siday cidhib la’aantu xisbiga ugu dhacday. Ragaasi waxay doonayeen xataa in ay Kulmiye ka takhulasaan oo Xisbiyo cusub ay samaystaan weeye ragaasi, isbahaysiga rag ka mid ah, imika Waddani baa baqdin leh kulmiye baqdin ma leh soo dhamaysay ka baqdinta leh ee abrisku soo galay kaa weeye.”
Xildhibaanka oo ka hadlaya natiijada doorashadii xisbiga Waddani ee murashixiinta madaxweynaha iyo ku xigeenka wuxuu yidhi “Ragaa la doortay waan hambalyaynayaa, ninkaa la yidhaahdo Seed runtii way jiraan anigu markaan arkaayay in nidaam qaldan la maray, laakiinse waxay haboonayd marka nidaamka lagu dhex jiray in Seed halkaa ka hadlo bay ahayd. Waxa jira dad golaha dhexe ah tiradii hore waxay ahayd laba boqol iyo wax imikana lix boqol iyo wax baa fadhiyey waxay ahayd runtii tiradaa imika golaha dhexe ee soo biirtay in horta galahan dhexe ee hore ansixiyo tirada soo biirtay saasay ku sharci ahayd hase yeeshee dee Seed wuu socdayoo ilaa iyo Murrashixii Madaxweynaha ayaa u codeeyey.”