Buuba Oo KULMIYE Ku Cariyay Inay Ku Dhiiradaan Talaabada Cirro Ku Wareejiyay Gudoomiyaha Xisbiga

0
594

Hargeysa(Geeska)-Siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hurre (Buubaa) ayaa xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE ku cariyay inay ku dhiiradaan talaabo la mid ah talaabada uu xisbiga Waddani guddoomiyenimada ku wareejiyay xildhibaan Cabdiqaadir Jirde.

1

Md. Buubaa oo shalay hadal ka jeediyay madal hadhimo sharafeed loogu sameeyay xildhibaan Cabdiqaadir Jirde oo shirkii u dambeeyay ee golaha dhexe ee Waddani si ku meelgaadh ah loogu doortay guddoomiyaha xisbiga Waddani, wuxuu yidhi “Xisbigii Kulmiye culeys xooggan ayaa maanta hor yaala haddey ku dhac leeyihiin   bal tan oo kale [wareejinta guddoomiyaha] ha ku dhaceen oo guddoomiyaha xisbiga cid ha ku wareejiyaan , weynu ogsoonahay  in aanu  ku dhacaasi meesha oolin ” ayuu yidhi Prof Ismaciil Hurre Buubaa.

Ismaaciil Buubaa, waxa kale oo uu soo dhaweeyay in xildhibaan Cabdiqaadir Jirde noqdo guddoomiyaha xisbiga Waddani.