Shirkii Mucaaradka Oo Shalay Furmay Iyo Khubadihii Madasha Laga Jeediyay

0
649

Picture6Hargeysa(Geeska) :-Shirkii labada xisbi mucaarad ee Somaliland ay maalmo ka hor ku dhawaaqeen qabashadiisa ayaa Sabtidii shalay si rasmi ah uga furmay hotel Dalxiis oo ku yaala badhtamaha magaalada Hargeysa, kadib markii ay Maxakamadda sare ka soo saartay qaraar ay ku fasaxayso in xisbiyadu shirar ku qabsan karaan huteelada oo hore ay xukuumaddu uga horjoogsatay, balse waxaa ay xisbiyada mucaaradku bedeleen magacii ay markii hore u bixiyeen ee ahaa wada-tashi qaran, maadaama ay maxkamadda sare amartay in aanay xisbiyadu awood u lahayn in shir qaran qabtaan, waxaana shirkii shalay ciwaan looga dhigay “Shirka wada-jirka ah ee ay labada xisbi ee Ucid iyo Waddani ee lagu qiimaynaayo xaaladda wadanka”.

Munaasibad aad u ballaadhan oo loo sameeyey shirka mucaaradka ee qiimaynta xaaladda dalka, ayaa waxaa ka soo qeyb-galay madaxda xisbiyada mucaaradka Ucid iyo Waddani, siyaasiyiinta Madasha Wada-tashiga, aqoonyahan, culimo, ganacsato, madax-dhaqameed, wax-garad, qurba-joog, haween, dhallinyaro, ergooyin ka kala socday goballada iyo marti sharaf kale oo aad u tira badan.

Ugu horeyna waxaa halkaas shan xubnood oo ka mid ah ah xisbiyada Ucid iyo Waddani loogu doortay guddida shir-guddoonka shirka qiimaynta xaaladda dalka ee ay soo qaban qabiyeen xisbiyada mucaaradka Somaliland, iyada oo guddoomiyaha guddida shir-guddoonkana loo doortay Murashax xigeenka xisbiga mucaaradka ah ee Ucid aqoonyahan Cabdirashiid Xasan Mataan.

Guddoomiyaha guddida shir-guddoominaysa shirka qiimaynta xaaladda dalka Aqoonyahan Cabdirashiid Xasan Mataan, ayaa ugu horeyn sharaxay Ajandaha shirka, waxaana uu sheegay in lagu qiimaynayo arrimaha dalka ka taagan, gaar ahaan gadoonka siyaasadda, qadiyadda Somaliland, xaaladda amniga iyo arrimaha doorashooyinka.

“Waxaa lagaga hadli doonaa sicir bararka, waxaa lagaga hadli doonaa qiimaynta sharciga dalka, waxaa lagaga hadli doonaa hoggaan la’aanta, waxaa lagaga hadli gadoonka siyaasadeed iyo qaddiyadda Somaliland, waxaa lagaga hadli xaaladda amniga, waxaa kale oo lagaga hadli doonaa arrimaha doorashooyinka,” ayuu yidhi Aqoonyahan Cabdirashiid Xasan Mataan.

Guddoomiyaha shir guddoonka shirka qiimeynta xaaladda dalka ee xisbiyada mucaaradka, ayaa sida oo kale sheegay in shirku socon doono ilaa maanta, lana filaayo ayaa uu yidhi in tallooyin wax-ku-ool ah laga soo saaro galinka danbe ee maanta. Iyada oo geesta kalena xubnahii loo magacaabay guddida shir-guddoonka ay kala ahaayeen.

1.Cabdirashiid Xasan Mataan (Guddoomiye),

 

2.Maxamed Cismaan Yuusuf(Is-xal). (Xubin).

3.Cali Axmed Cabdiqaadir(Cantar). (Xubin),

4.Cabdiqaadir Yuusuf Cismaan(Qodax). (Xubin),

5. Maxamed Cabdillaahi Uurcadde. (Xubin),

6. Xildhibaan Ibraahin Jaamac Cali (Rayte). (Xubin).

Guddoomiyaha xisbiga cadaaladda iyo daryeelka e Ucid Inj.Faysal Cali Waraabe iyo guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in shirka qiimeynta xaaladda dalka ee xisbiyada mucaaradku lagu dersaayo xaaladda dalka, waxaana ay tilmaameen in laga soo saari doono tallooyin wax-tar u ah guud ahaan bulshada iyo qaranka Somaliland, iyaga oo dhanka kalena carabka ku dhuftay in shirkan aanu ahayn mid cid gaar ah lagu bartilmaameedsanaayo.

Faysal Cali Waraabe

Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa khudbadiisa ku bilaabay “Bilaa nidaam ayeynu nahay, maanta waad aragtaan oo laami ma haysano, biyo ma haysano, garanwaa ayeynu iska jari kari la’ nahay , ummad qayilaysa oo qabyaalad ka shaqaynaysaa waxba ma qabsan karto, marka waxa weeyaan canaanta waa aynu wada leenahay, waxii lagu sixi lahaa waa in ay labada xisbi mucaarad keenaan oo yidhaahdaan sidaas ayaa innoo fiican oo lagu shaqayn karayaa, laakiin xaajadu maaha hebel ayaa gaadhi iibsaday iyo hebel ayaa gaadhi iibsaday, taasina siyaasad maaha, siyaasadu waxa weeyaan waa in la tilmaamo in qorshaha waxa lagu bedelayo, bahashii qabyaaladu waa ay inna kartay, qabyaaladuna waad og tihiin halka ay Soomaali dhigtay, waxan aan maanta samaynaynaa dawlada ku jiqsii maaha, ku xumee maaha e’ waa waxii aynu tabaynay ee aynu lahayn waar maa sidaas la yidhaahdo ama sidaas oo aan doonayno tallooyinkeedii in aan samayno, waxaan leeyahay walaalayaan wadadii waa aynu ka baxnay, himiladii ummada waa aynu ka baxnay, shacbigeenii waa uu niyad jabay, qof waliba naftiisa ayaa uu u ordayaa, qof leh aynu sidaas samayno ma jiro”.Ayuu yidhi Inj.Faysal Cali Waraabe.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu yidhi:“Dumarkeenu dhakhtar ma haystaan, caruurteennu garoomo ay ku ciyaaraan ma haystaan, suuqyadeenii waa madaw, caruurtii saxaraha ayey dhaafeen, kuwii badaha ka badbaadayna waa ay waasheen. Waxaa loo baahan yahay in aynu wax noqo, looma baahan in aynu isku muuqano. Waad aragtaan oo saddexdayada halkaas fadhiyaa, waa garxajis oo waa isku beel ayaa la odhan doona hadhow, waa in aynu fikirkaas bedelnaa weeye. Marka waxa weeye dawladu waa in aanay sas ka qaadin arrintan, innagana aanay innaga noqon ku xumee oo ha innaga baxdo dawlada ku xumee, dawlada caydeedu ha innaga baxdo oo waa in aynu fikir iyo talo keena, haddii Illaahay idmana tallooyin fiican ayaanu keeni doona.”.

Cabdiraxmaan-Cirro

Guddoomiye Cirro ayaa isna khudbad ka jeediyay halkaas.  “Shirkan waxaa loo qabtay in muwaadin kasta oo xisbi ka tirsan iyo mid aan ka tirsanaynba in la ilaaliyo nabad galyada, xasiloonida , nidaamka dawlada iyo shuruucda dalka, lana dhowro, ka fulinayaana waa in uu u filiyo qaabka ugu habboon ee ugu dhibka yar, midka lagu fulinayaana waa in uu u hoggaan samaa shuruucda dalka. Maxaa kalifay shirka in aynu qabano, shirka waxaa kalifay in aynu qabano oo aynu talo isweydiino kadib markii ay xukuumadda Somaliland ka baxday heshiiskii ay axsaabta la gashay, soona afjaray khilaafkii muddo kordhinta ee shacbigu ku farxay, ka dib markii ay xukuumadda Somaliland ku fashilan tay in ay taariikh u qabato doorashooyinka Somaliland, kuwaasi oo bedeli lahaa hay’adaha dastuuriga ah ee Somaliland haday tahay baarlamaan iyo haday tahay mid madaxweynaba ee golaha Guurtida, kadib markii ay u muuqatay in xukuumaddu aanay rabin in ay doorasho qabato, taas oo khatar galin karta nidaamka geedi socodka jamhuuriyadda Somaliland, kadib markii ay u muuqatay in dalkani ku jiro marxalad adag oo u baahan tallooyinkii lagaga bixi lahaa, waxaa ay labada xisbi ku qanceen in ay tahay wakhtiga ugu habboon ee ay tahay in la qabto shir talo la isku weydiinaayo, tallooyinkaas oo hufan oo cidna aan looga dan lahayn in lagu maago, laakiin lagu bedbaadinaayo qaranka jamhuuriyadda Somaliland.”.Ayuu yidhi Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi.

Md.Cabdiraxmaan Cirro oo ugu danbeyn hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu yidhi:“Qarankan waxaa ka mas’uul ah madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, marka mashaakilka isbiirsaday waxaa laga filayaa ama ay waajib ku tahay madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland in uu soo bandhigo siddii looga bixi lahaa, annaguna waxaanu ku biirin doona tallooyinkii lagaga bixi lahaa.”.