“Xukuumaddani, Waxay Garan Wayday Intii Ninkii Dhagaha La’aa Gartay Ee Yidhi Inaan Gardaranahay Waxaan Ku Gartay Dadkoo Dhan Ayaa Farta Igu Soo Fiiqaya”

0
645

Picture7Hargeysa(Geeska) :-Madaxweyne ku xigeenkii ugu horeeyey ee Somaliland Mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo sida oo kale ka mid ah siyaasiyiinta ku bahoobay Madasha Wada-tashiga Somaliland ayaa soo dhaweeyey shirka qiimeynta xaaladda dalka ee maalintii shalay u furmay xisbiyadda mucaaradka Somaliland, waxaana uu sheegay in xukuumaddu ay garan-wayday inta ay garteen xisbiyadda mucaaradka ee Ucid iyo Waddani, isla mar ahaantaana ay seegtay in ay qaataan sharafta shirka xisbiyadda, isaga oo sida oo kalena si hoose u tibaaxay inay xukuumaddu garan la’dahay inay khaldan tahay.

Mujaahid Xasan Ciise Jaamac, ayaa hadalkan ka sheegay mar uu ka hadlaayey munaasibad loo sameeyey shirka xisbiyada qiimeynta xaaladda dalka oo la filaayo inay maanta gelinka danbe ka soo saaraan tallooyin ku aadan xaaladda guud ee dalka, waxaana ugu horeyn  uu xisbiyadda mucaaradka Somaliland ku hambalyeeyey shirkan ay qabteen.

"Waxaan xisbiyadda mucaaradka ku tahniyadaynayaa shirkan quruxda badan ee khayrka qaba, waan ku tahniyadaynayaa, aad iyo aad ayaad u mahadsan tahini (Waddani iyo Ucid). Qodobada ajandaha innoogu jira ka sii hor dhici maayo oo gudo gali maayo, wakhti ayaa aynu u heli doona haddii Alleh idmo aynu ka bogano oo aynu falan-qeyno. Se’ maanta xukuumadda Somaliland ka talisa, waxaa innagaga filan in ay garan weyday inay sharafta shirkan qaadato oo markii la sheegayba ay qaadato, xukuumaddani, waxaa ay garan wayday intii ninkii dhagaha la'aa gartay ee uu yidhi in aan gar daranahay waxaan ku garanayaa dadka oo dhan ayaa faraha igu soo fiiqaya.".Ayuu yidhi Muj. Xasan Ciise Jaamac.