Hargeysa(Geeska) –Shirka Maalgashiga Somaliland, oo ah Shir caalamiya oo lagaga hadli doono maalgeshiga Somaliland, ayaa si rasmiya Maanta uga furmi doono Magaalada London ee xarunta dalka England, waxaana Shirkan ka qayb gelaya Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Muddane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wafti Wasiiro ah oo uu hogaamin doono, Ganacsato iyo Muwaadiniin u dhashay Somaliland, waxaana sidoo kale Shirkan ka qayb galaya Shirkado iyo Ganacsato ka socota dalalka Yurub iyo sidoo kale qaar ka mid ah dalalka Afrika, iyadoo ganacsatada Somaliland ay diyaar u tahay inay doorkooda ka qaataan.
Shirkan maalgashiga Somaliland ee Maanta furmaya ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Muddane Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), ayaa la filayaa inuuu ka jeediyo khudbad kooban oo ku taxaluqda maalgashiga Somaliland iyo doorka ay Wadamada kale ee horumaray ku yeelan karaan iyo waliba sida ay Shacabka Somaliland uga faa’iidaysan karaan kheyraadka ku duugan dalkooda .