Shirkii Golaha Dhexe Ee UDUB Oo Furmay Iyo Nuxurka Khudbadihii Axmed Yuusuf Yaasiin, Cali Warancade Iyo Cabdiqaadir Jirde

0
825

 

Hargaysa( Geeska )-Shirwaynihii golaha dhexe ee xisbiga mucaaradkaa ee UDUB ayaa shalay ku qabsoomay magaalda Hargaysa.

udubShirwaynahan oo ahaa mid aad loo soo camiray waxa ka soo qayb galay 260 xubnood oo kamida golaha dhaxe ee xisbiga UDUB, 33 xubnood oo kamida gudidad fulinta iyo 210 xubnood oo marti sharaf ahaa, waxaanu shirkani noqday mid ay khudbado aad u tiro badan ka jeediyeen masuuliyiin kala duwan oo ay kamid ahaayeen madaxweyne ku xigeenkii hore ahna gudoomiye ku xigeenka xisbiga UDUB  Axmed Yuusuf Yaasiin, wasiirkii hore ee duulista iyo hawada Cali Maxamed Warancade, ENG,Faysal Cali Waraabe oo marti sharata kamid ahaa, xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaacil Jirde iyo xubno kale.

 

Furitaankii shirkaas waxa ka hadlay Gudoomooyaha guddida qaban qaabada xisbiga UDUB  Rashiid Xaaji Cabdilaahi Guuleed oo ka xog waramay ujeedada shirka iyo qaybaha kala duwan ee dadka ka soo qayb galay.

Wasiirkii hore ee Duulista Cali Maxamed Warancade oo ka hadlay shirkaas yaa daboolka ka qaaday inuu haatan xisbigu soo rogaal celiyay isla markaasna uu diyaar u yahay inuu talada dalka dib u qabto,Warancade waxa uu sheegay in hunguri ka hayo hoggaaminta xisbiga balse uu taageeri doono haddii ay saxiibadii ay kaga guulayhsteen tartanka, waxana hadaldiisa kamid ahaa 

“Waad ogtihiinoo xisbiga tallada dalka ka degaa muddo ayay qaadataa siduu isu soo abaabulaa si uu dagaalka mar kale u galo. Maanta waxaanu soo gabo-gabaynay dib u gurashadii xeesha dagaal ee aanu sanadka iyo googa’a ku qaadanay Waxaanu ummadda reer Somaliland ee shakiday u sheegaynaa beelaha shiraya ee ka shakisan masiirkooda iyo busaarada baahsan ee wadanka ka dhacday inaanu soo deg degi doono,waxaanu idiin balan qaadaynaa inaanu dalka ka saari doono marxalada labaad ee horumarinta ee saaxiibadayadii aanu meesha u yara dhiibnay ay wadi kari waayeen ee baabuurkii baatroolka badani ku jiray ee aanu u dhiibnay socon kari la’yahay,”Isaga oo hadalkiisu sii wata waxa uu yidhi  “Waxaan ka mid ahay ragga hungurigu ku jiro laakiin balan waxaan idiinku qaadayaa inaan UDUB dildilaac ka soo bixi doonin sida nacabku filayo oo haddii la ii doortana aan ku hoggaamiyo bash bash iyo barwaaqo haddii saaxiibaday la doortana aan ku garab galo.”

Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jire oo halkaa ka hadlay waxa uu sheegay in sixbiga UDUB uu guulo wax ku oola ka soo hooyay dhamaan doorashooyinkii dalka ka dhacay balse lagaga guulaystay doorashadii u danbaysay oo kaliyaata, waxaanu tibaaxay in xisbigu uu haatan ku talo jiro sidii uu talada dalka ula soo noqon lahaa “ Xisbigu waa Xisbi xoogle haddii aan yara dabacnayna waa inaan dib isu abaabullnaa ee mid uunbaa loo baahan yahay in aan marka hore isa saamaxno, haddii hawlo noocaasa yimaadaan waa lays hiifaa ninba ninbuu farta ku fiiqaa” ayuu yidhi xildhibaan Jirde, waxanu intaas ku daray  “ geedi dheer baan galaynaa  maanta laga billaabo geedigaas waxaynu ku hiigsanaynaa sidii taladii dalka aynu dib ugula soo noqon lahayn, intaan geedigaas ku jirno isku duubni ayaa la doonayaa,waxa aanu doonaynaa xisbigan mabaadiidiisii hore ee uu ku shaqayn jiray in aan dib ugu noqono.”

Xilibaanku waxa uu meel adag iska taagay in doorashada dambe lagu galo diiwaan galintii hore, waxaanu ku tilmaamay diiwan galintii hore mid Somaliland iyo calaalamkuba ogsoon yahay inay tahay mid khariban.

Waxa shirkaas soo xidhay madaxwayne ku xigeenkii hore ee Somaliland ahna gudoomiye ku xigeenka xisbiga UDUB Axamed Yuusuf Yaasin oo si wayn ugu dheeraaday guulahii xibiga UDUB uu ku talaabsaday waxaanu si guud mara uga hadlay afarta madaxwayne ee soo maray wadanka, intaasi kadibna waxa uu ka hadlay hawlaha shirka horyaala waxaana hadladiisa kamid ahaa “ Waxa ay guddidu soo ururiyeen oo ay yidhaahdeen kow xisbigu waa inuu marka hore gooni isku taagaa, waa la kala saarayaa xisbiga iyo maamulka oo xisbigu waxa uu yeelan doonaa gudoomiye, xisbiguna waxa uu sharxi doonaa musharixiin hadday tahay madaxwayne iyo ku xigeen. Waxa laba ah oo meeshii soo galaysa in xeerkii la kaabo oo si dhamaystiran loo kaabo si uu xisbigii u shaqaysto ” ayaa uu yidhi Axmed Yuusuf Yaasin, waxanu intaas sii raaciyay “ Maanta golahani waxa uu igmanayaa kow in xeerkii la kaabo, laba in xeerkaasu noqon doono xeerka laga ansixinaayo shirwaynaha danbe oo la soo dadajinaayo duruufo awgeed, saddex maanta waxa loo igmanayaa guddida fulinta inay soo dhamaystiraan gobaldaii iyo dagmooyinkii waxii ka dhiman, afar inay soo dhisaan oo soo habeeyaan 370 xubnood ee loo sharxaayay golaha degaanka.” Waxa iyaguna halkaas ka hadlay dad kale oo ka tirsan UDUB-yahandii xisbigaas ka tirsanaa.

Dhinaca kale afhayeenka xisbiga UDUB Md. Cali Maxamed Yuusuf (Cali Gurey), ayaa diiday inuu ka qayb galo dhaarinta xubnaha golaha dhexe ee xisbiga, waxaanu Cali inta badan ku jiray xaalad adag oo muujinaysay inuu ka xunyahay sida shirka loo maamulay. Marar dhawr ah oo ay masuuliyiinta shirku isku dayeen inay dejiyaan ayaanay suurtogelin.