“Saaxiibkay Cirro Waxaan Leeyahay UCID Waadigii Iska Nacay Ee Ha Sheegan

0
4230

 

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal images (3)Cali Waraabe, ayaa si kulul u naqdiyay shirguddoonka golaha wakiilada oo sheegay inay tosheen shaadh sharci oo leeg.

 

Faysal, oo shalay hadal ka jeediyay shirka u furmay xisbiga UDUB, wuxuu sheegay in golaha wakiilada iyo xukuumadii ay isku qasmeen“ Sharcigii dalka waa  lagu tumanayaa walaalayaal, waxaad  arkaysaa maanta shirgudoonkii iyo inay isku milmeen dawladii, waxa aad arkaysaa  in aanay maanta baarlamaankii shaqaynaynin guurtidii iyaga waxa la raaciyay Rayaale oo waa layska nacay oo waxba lama waydiiyo, golahii baarlamaanka iyo xukumaadiina way isku milmeen.” Ayuu yidhi Faysal, waxaanu intaas raaciyay “Adduunka lama arag xeer umad loo samynayo oo qofkuu qabanayay la yidhaahdo soo samee adigu, waxa la yidhi soo sameeya  baarlamaankiiyow idinku xeerkii, kii madaxwaynuhu soo gudbiyayna daaqadaa laga tuuray shaadhbaa la toshay, waxa aan leenahay haddii aan maanta qodabadaas lagu soo daray baarlamaanka ee laysku tolay aanay guurtidu dib u celin dalkeena nabadgalyadiisu khatarbuu galayaa.”

Isagoo la hadlaya shirguddoonka wuxuu yidhi “ Shirgudoonka waxaan leeyahay haddii aad doonaysaan inaad xisbi samaysataan sida dhalinyartaas samaysatay idinkoo la siman oo xilka sii daayay dee tartama, maaha aanoo ah raysal baarlamaan oo lacagtii haysta oo dawladii wata ayaan samaynayaa.”

Ugu dambayn Faysal Cali Waraabe, isagoo la hadlaya guddoomiyaha Golaha Wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), wuxuu yidhi “waxa kale oo aan jeclahay  in aan u sheego Saaxiibkay Cabdiraxmaan meel kasta oo uu tago waxa uu ka leeyahay waxaa  aan ahay UCID waar UCID waadigii iska nacay ee Cabdiraxmaanbaad tahay waxaad tahay shir gudoonkii, UCID danbe ha sheegan ayaan leeyahay.”