Qalinkaa Wax Suureeya 14

26
1086

 

Hal-abuurka iyo Nolosha 4
Weli waxa aan ku dhex jirnaa Hal-abuurka Siyaasadda, waxa aan maanta is dul taagaynaa arin muhiim u ah nolosheena siyaasadeed, waana sidan:
Dimuqraadiyadda iyo Somaliland
 
Waxa deganaanshaha siyaasadeed lagu gaadhaa marka la helo hal-abuur siyaasadeed oo suuro gelin kara in is bedelada siyaasadeed iyo maamul ay u dhacaan si wanaagsan oo ku saleysan maslaxadda bulshada iyo danteeda, taas waxa ay timaadaa marka bulshadu garato inay dejiso barnaamaj iyo dariiq lagu gaadho maamulka siyaasadda iyo agab loo adeegsado fulinta barnaamajkaa siyaaasdeed.
Maanta adduunka aan ku noolahay waxa aad looga hadlaa waxa lagu magacaabo dimuqraadiyadda iyo habka axsaabta badan, dhab ahaan waa barnaamaj iyo agab siyaasadeed oo la kasbaday muddo badan markii dalalka keenay aragtidan maamul ay ku jireen jahawareer siyaasadeed iyo dagaalo sokeeyo iyo kuwo dawladeed intaba, kuwaas oo dhaxalsiiyey dhibaatooyin aan la ilaawi Karin, laakiin intii ay hanteen dariiqan  inay siyaasadda u maraan waxa ay dareemeen degenaansho iyo harumar la xidhiidha dhinacyo badan oo nolosha ah.
Waxaase ay tahay su’aasha is waydiinta mudan: 
 
Dariiqaas ma ku haboon yahay in bulshooyinka adduunka oo dhan ay qaataan?
 
Su’aashaas si jawaabteeda waxa aan u mareynaa in aan ka jawaabno su’aashan hoos ku sheegan: 
 
Maxaa ugu muhiimsan ee saameeya habka bulsho ay u mareyso sidii ay isu maamuli lahayd?
Hadaba, haddii jawaabta su’aashan danbe tahay in falsafadda bulshadu ay ka aaminsan tahay nolosha iyo dhaqankeedu yahay waxa ugu muhiimsan ee xaddidi kara dariiqooyinka siyaasadda ee ummaduhu yeeshaan waxa aan qiri karnaa in habka maamulkaas siyaasadeed aanu u noqon karin xal bulshooyinka adduunka oo dhan, in kasta oo aanay taasi ka hor imanayn in qaybo badan oo ka mid ah laga qaadan karo waxtarka bulshooyinka adduunka ee kala duwan, kuwaas oo mudan in la kala ergaysto maadaama oo faa’iido ku jirto.
Haddii aan eegno xaaladeena aan hadda siyaasadda u raacno, waxa aan arkaynaa in aan qaadanay barnaamajkaa axsaabta badan, laakiin hadana waxa aan si cad u aragnaa in waxa ugu muhiimsan ee saameeya siyaasaddeenu yahay qabiil iyo qabyaalad, waxa hay’adaheena maamul dejiyeen in habka lagu gaadhaayo maamulka siyaasadda ee waddanku uu yahay  dimuqraadiyad ku dhisan axsaab badan, laakiin marka xisbi la sameynaayo waxa aan ognahay oo aan caqli badan inooga baahneyn in taageerada ugu muhiimsan ee uu raadiyaa ay tahay mid qabiil, marka uu yagleelaayo xisbigu hay’adihiisa kala duwan  waxa hore aan u wada aragnay ilaa hadana muuqata in qaabka loo qaybiyo fursadihiisa ugu muhiimsan ay tahay mid qabiil, marka uu ku guulaysto maamulka dalkana waxa aan wada qirsan nahay in habka loo qaybiyo maamulka iyo wasaaradaha dowalddu yahay mid qabiil.
 
Ceeb ma aha qabiilku, sidoo kale ceeb ma aha in qabiil jiraa sheegto tabasho uu ka qabo sida danta guud looga ariminaayo, laakiin daw maaha in maankeena iyo arageena oo dhan aan ku saleyno heer qabiil, isla markaana uu noqdo qabiilku mid inaga hortaagan horumar badan oo aan gaadhi lahayn, waxa wanaagsan in haddii maanta la joogo wakhti aanay maskaxo badani korin, qabiilkuna agtooda ka yahay wax aad u weyn in sideeda loola dhaqmo oo la gaadhsiiyo bulshada in xaaladaha noocaas ah laga baxo loona raro xaalad waxa dadka kulminayaa ahaadaan dan iyo maslaxad higsanaysa meel dheer kana fog saameynta qabiilka iyo bogcada laga degan yahay magaalooyinka kala wada qoqoban.
Qaabka ay bulshado u marayso sidii ay u xaddidi lahayd ciddii u qaban lahayd hoggaanka sare ee siyaasadda  waa mid ay xor u tahay inay iyadu sameysato, waase lagama maarmaan in qaabkaasi ahaado mid aasaas ku leh waxyiga ay aaminsan tahay, dhaqanka iyo soo jireenka muddada dheer ay kasbatay, duruufaha nololeed ee ku xeeran iyo tijaabooyinka banii’aadamka kale gaadheen ee faa’iidada leh.
Waa hubaal in bulshada ay ku jiraan dad badan oo cilmi, caqli iyo xikmad intaba leh, kuwaas oo u horseedi kara inay u dejiyaan ummadda qaab iyo qorshe ku haga inay sida ugu haboon u dhisi karaan hanaan u horseedi kara inay u gutaan waajibkooda siyaasadeed iyo hogaamineed sida ugu fiican, kaas oo dhaxalsiinaaya inay si fudud u gaadhi karaan horumar saameynaaya dhammaan dhinacyada nolosha ee kala duwan.
Haddii aanay isla jaan qaadeyn noloshaada iyo qaabka ay u dhisan tahay oo dhinac ah iyo maamulkaaga siyaasadeed iyo qaabka aad u yagleelayso oo dhinaca kale ah, waxa aad ahaanaysaa weligaa bulsho foosto madhan dhaaminaysa.
 qsuureeya@live.com
Qalinkii: Axmed Sheekh Bashiir

Comments are closed.