Shirkii Beelaha Habaryoonis Oo Furmay Iyo Aragtiyaha Isugu Tagay

0
633

beelHargeysa(Geeska)-Shirkii Beelaha Habaryoonis ayaa shalay si rasmi ah uga furmay buurta Daallo ee magaalada Ceerigaabo ee gobalka Sanaag.

Shirkaas oo ah mid ay beeshu kaga wada tashanayso danaheeda horumar ee kala duwan, waxa uu ka soo badbaaday dhawr isku day oo ay xukuumadda Somaliland u dhigtay si uu u baaqdo, waxaana shalay Ceerigaabo gaadhay wefti culus oo ka tirsan xukuumadda oo dhalasho ahaan beelahaas ku abtirsada oo uu hoggaaminayay wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Caraale Duur, ayna ka mid ahaayeen wasiirka xanaanada Xoolaha Cabdi Aw Daahir, wasiir xigeenka caafimaadka Nimco Xuseen Qawdhan, guddoomiyaha Baanka Cabdi Dirir Cabdi, guddoomiye xigeenka 2aad ee KULMIYE Maxamed Yuusuf Waabeeye iyo masuuliyiin kale.

Waxa iyaguna ku sugan siyaasiyiin tiro badan oo u badan xisbiyada mucaaradka iyo dadweyne kale oo aad u tiro badan. Furitaankii shirka waxa ka hadlay odayaal iyo wax garad kale oo dhammaantood sheegay inaanu shirku ahayn mid siyaasadeed oo wax lagu yeelayo qaranka Somaliland balse uu yahay mid ay beeshu danaheeda kaga tashanayso islamarkaana aan dalka wax dhibaato ah lagu yeelayn.

Guddoomiyaha Beelaha Habaryoonis Bari Cabdinaasir Cali Jaamac, oo halkaas ka hadlay ayaa ku dhawaaqay in shirku furanyahay, islamarkaana ka hadlay ajandaha shirka.

Si kastaba ha ahaate, shirkan oo muddooyinkii u dambeeyay ay hadal hayntiisu aad ugu xooganayd bulshada dhexdeeda, ayaa waxa si weyn isha loogu hayaa qodobada gunaanadkiisa ka soo bixi doonta.