Daahir Rayaale Iyo Warancade Oo Ku Kala Aragti Duwanaaday Kulanka Madaxweynaha Iyo Shariif

0
712

waranDubai(Geeska)-Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, oo ka mid ah weftiga Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, ku weheliya shirka ka dhacay magaalada Dubai, ayaa ka hadlay sida uu u arko natiijada shirkaas iyo weliba wada hadalka labada wadan u bilowday. Laakiin aragtidiisa waxa ka soo horjeeda xubno ka tirsan xisbiga UDUB ee uu hoggaamiyo. Md. Daahir Rayaale Kaahin, oo magaalada Dubai kula hadlay warbaahinta, ayaa wuxuu sheegay in wada hadalka Somaliland iyo Somaliya uu yahay bilow wanaagsan. “Marka u horaysa waxaan leeyahay kulankani waa bilow aad u wanaagsan oo ah inaynu Somaliland iyo Somaliya u wada hadalno, iyadoo aynaan qadiyadeena marnaba meel cidla ah ku tuurin.” Ayuu yidhi Madaxweynihii hore, waxaanu intaas raaciyay “Waxaanan rajaynayaa beesha caalamku haddii ay yidhaahdeen idinku wada hadla oo ay markhaati inaga ahaanayaan, waxa inoo yaala waxa weeyaan inaan sidaan u wada hadlayno ka shaqayno, waxaanan leeyahay waa bilow fiican, waxaanan rajaynayaa inshaalah inay mustaqbalka natiijo fiicani inooga soo bixi doonto.”

Inkastoo uu Rayaale sidaas u hadlay, haddana Cali Maxamed Warancade oo ka mid ah masuuliyiinta UDUB ayaa bixiyay aragti taas ka soo horjeeda. Mr. Warancade oo isagoo jooga magaalada Ceerigaabo xalay khadka telefoonka ugu waramay Geeska Afrika, ayaa wuxuu sheegay inuu u arko kulamo lagu khiyaamaynayo Somaliland. “Shirka Somaliland iyo Somaliya waxaan qabaa inuu noqdo shir lagaga wada hadlaayo Somaliland iyo goni isku taageeda, waxaan imika ka yaabanahay ama aan ka baqaayo inay noqoto khiyaamo Somaliland la khiyaamaynaayo, waxaynu ognahay in Shariif diiday ama dawlada ku meel gaadhka ahi aanay ogalayn in qadiyada Somaliland shirarka dhacay iyo kuwa soo socda ee dhaw toona lagu soo qaado, markaa baqaha aan qabaa waxa weeye haddii la wada hadlaayo oo aanay ogalayn magaceenii iyo waxaynu doonaynay in laga wada hadlo, macnaheedu waxa uu noqonayaan inay caalamka u tusaan si inaga oo lamida maamulada kale ee Somaliya oo ay caalamka ka dhaadhiciyaan inaan gobal nahay.” Ayu yidhi Warancade, waxaanu isagoo hadalkiisa sii wata yidhi “Mar haddii aanay ogalayn in laga wada hadalo waxii inaga dhaxeeyay iyo  walaaltimo aan ka wada hadalno oo aynu is ictiraafno, waxa muuqata in aan xukuumadda Somaliya maanta ka jirtaa aanay aqbalsanayn in qadiyada Somaliland laga wada hadalo, markaas waxa ay caaalmka inoo tusayaan inaan nahay gobal kamid ah Somaliya oo kale. Waxaanan u arkaa arin lagu khiyaamaynaayo Somaliland.”

Cali Warancade, oo la weydiiyay oo la weydiiyay sida uu u arko in Madaxweynihii hore haddana ah guddoomiyaha xisbiga UDUB uu shirkaas ka qayb galo, waxaanu yidhi “In madaxweynihii hore iyo madaxweynaha maanta ay goobjoog u haadaan wada hadalka Somaliland iyo Somaliya wax xumaan ah malaha, laakiin mushkiladu waxa weeye haddii aan laga hadlaynba qadiyadii aynu doonaynay in laga hadlo, waxaan qabaa in arintaas laga fiirsado oo mustaqbalka waxa aynu isugu imanaynaa uu noqdo wax quseeya Somaliland iyo Somaliya sidii loo kal guri lahaa.”

Hadalka Cali Warancade, wuxuu u muuqdaa inay isaga iyo xubno kale oo UDUB ahi ka soo horjeedaan ka qayb galka shirkaas ee Daahir Rayaale Kaahin.