Faroole Oo Sida Fiinta Uga Qayliyay Heshiiska Dhex Maray Madaxweyne Silanyo Iyo Shariif

0
671

farooleDubai(Geeska)-Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, ayaa dareen cadho leh kaga jawaabay kulan Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Madaxweynaha Somaliya Shariif Sheekh Axmed, ku dhex maray magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta.

Kulankaas oo ay labada madaxweyne ku kala saxeexdeen qodobo wada shaqayneed oo la xidhiidha dhinacyada la dagaalanka budhcad badeeda iyo argagixisada, ayaa wuxuu sheegay inaanu kulankaasi dan u ahayn umadda Somaliyed. “Walaahi Annagoo fadhinna hoolka iyo agagaarkiisa oo ay madaxda joogaan ayey ka codsadeen madax ka tirsan kuwa shirka in ay isoo hortaagan dabadeena sawirro ayeey galeen, qoraal yar ayey saxeexeen marka meesha wax ka yeeray wax Soomaali dani ugu jirto ma aheen , ugu dambeentii war murtiyeed ka soo baxay shirka waxa uu sheegayaa in Somaliland ay aqoonsatay in ay ka mid tahay Soomaaliya haddii aad akhrisay.” Sidaas ayuu yidhi Faroole oo u waramay BBC, waxaanu isagoo ka hadlaya inay is arkeen Madaxweyne Siilaanyo amaba Madaxweyne Shariif, uu intaas raaciyay “Annigu mar baan iska hornimid Siilaanyo waan is salaanay oo wax kale oo iska aragnay majirto meeshana kuma aan ballan saneen, Sheekh Shariif waa ay jirtay inta aan jiray Naiorbi oo mar ii sheegay in ay halkaas ku kulmi doonan waay jirtay laakin sida uu isaga arrinta u watay oo ii sheegay iyo sida ay wax u dhaceen waa ay kala dheer yihiin iyagoo uun baa shirar gaar ah galay, Sheekh Shariif sida aad ka warheesaan isagu Olole doorasho ayuu ku jiraa marka Shariif marka obset ayuu ahaa, waxa aan u maleenayaa madaxweyne Siilaanyo ictiraaf ayuu doonayay Shariifna doorasho ayuu doonayay marka madaxweyne Siilaanyo wax uu tartamayay ma aqaano”

Si kastaba ha ahaate Madaxweyne Faroole, ayaa u muuqday inay markii labaad guuldarro siyaasadeed ka raacday kulanka Somaliland iyo Somaliya, ka dib markii uu Madaxweyne Shariif ka qayb gelin waayay wada hadalada.