Shirkii Baxarasaafka Ee Gobolka Saaxil Oo Dib Loo Dhigay

0
586

Hargeysa(Geeska)-Shirkii loogu tallo galay inuu 25-ka bishan August ka furmo deegaanka Baxarasaafka ee gobalka Saaxil, ayaa dib loo dhigay muddo 30 maalmood ah.

dddddddddddd

Odayaasha, xildhibaanada iyo aqoonyahanka reer Saaxil, ayaa shirjaraa’id oo ay shalay ku qabteen Hargeysa waxay ku cadeeyeen in shirkaas dib loo dhigay la islana qaatay inuu qabsoomo 25 September. Dr. Axmed Saleban Shiine oo ah afhayeenka guddi dhexdhexaadisay dhinacyada shirka qabsoomidiisa isku hayay “Haddii arrimo lagu kala aragti duwanaa waa laga heshiiyay beeshiina gacanta ayay is haysataa waana mid keliya ujeedo keliyana way wada leedahay. shir ayaa jiray la iclaamiyay oo shan iyo labaatanka bishan ahaa, waxa la isla qaatay bisha dambe ee September  25-keeda  iyadoo loo dhanyahay in la qabto. sidaas ayaanu ku wargelinaynaa dhammaan gudo iyo dibad inay sidaas ula socdaan.”

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble iyo ganacsade Oday Muuse Dalab oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay raali ka yihiin go’aanka lagu dhawaaqay, waxaanay soo dhaweeyeen mudada cusub ee loo qorsheeyay shirkaas Baxarasaafka.