Shirkadda TELESOM Oo Maal-Galisay Dhisme Dayr Ah Oo Loo Dhisay Caruurta Darbi-Jiif Ah

0
568

Hargeysa(Geeska)- Shirkadda Isgaadhsiinta Casriga ah ee Telesom ayaa maal-galisay Dayr loo sameeyey xarunta lagu xanaaneeyo caruruta darbi jiifka ah ee ay maamusho Guddida Wanaag-farista iyo Xumaan Reebista ee magaaladdda Hargeysa.

talesom

Munaasibadda shirkaddu ku gudoonsiiyey lacagta lagu dhisay dhismahaasi ayaa ka dhacday maalinimaddii khamiista xarunta guud ee shirkadda TELESOM ee magaaladda Hargeysa.

Ugu horayn waxaa munaasibadan ka hadlay Agaasimaha horumarinta Arimaha Bulshadda shirkadda TELESOM Cabdiwahaab Maax waxaanu sheegay kaalinta ay shirkaddda Telesom ka qaadato arimaha taakulaynta bulshadda iyo muhiimadda ay leedahay in bulshadda laga taageero hadda meeshii wax laga qaban karo

Agaasimaha horumarinta Arimaha Bulshadda ee shirkadda TELESOM Cabdiwahaab Maax oo ka hadlay lacagta ay shirkaddu ku wareejisay Gudoomiye ku-xigeenka iyo Afhayeenka Guddida Wanaag Farista iyo Xumaan Reebista ayaa yidhi, “Waxaanu maanta ku wareejinay lacag dhan $3,000 oo dollar oo loogu talo-galay in dayr loogu dhiso xarun lagu xanaaneeyo caruurta darbi-jiifka ah ee guddidu gacanta ku hayso. Waxaanu ugu talo-galnay inay noqoto wax umadda ku noqda oo dhalinyaradda iyo caruurta darbi-jiifka ahaa ee masaakiinta ahaa ee maanta wanaagooda laga shaqaynaayo, barina aanu rajaynayno inay noqdaa kuwii umadda wax ku soo celin lahaa”.

Gudoomiye Ku-xigeenka Guddida Wanaag Farista iyo Xumaan Reebista Somaliland Xaaji Cawil Xuseen Cali oo ka hadlay munaasibada shirkadda TELESOM lacagta deeqda ah ku wareejinaysay ayaa ugu horayn shirkadda TELESOM uga mahadnaqay taageeradda ay u fidisay caruurta darbi-jiifka ah, waxaanu shirkaddda TELESOM ku amaanay doorka ay horumarka bulshadda hormuudka ugu tahay.

Xaaji Cawil ayaa yidhi, “Halkan waxaa la noogu dhiibay $3,000 oo dollar oo TELESOM ugu talo-gashay in lagu caawiyo in gidaar dayr ah taarna dusha ka marsan yahay lagu sameeyo. Caruurtii aanu ka qabanay Dooxa ee ahayd darbi-jiifka ee cabi jirtay xabagta. Taasoo markii aanu aragnay dhibaatadda ay ku hayaan magaaladda aanu u adkaysan waynay sidaasi darteedna aanu shirkadda TELESOM ka codsanay inay gacan ka gaysato. Jasaakumulaahi Khayraa, way ka gaysteen waanan ugu mahadnaqaynaa”.

Afhayeenka Guddida Wanaag Farista iyo Xumaan Reebista Somaliland Sheekh Daauud Muumin Cali oo isna ka hadlay munaasibadan ayaa uga mahadnaqay ganacsatadda ay shirkadda Telesom kowda ka tahay ee iyaguna gacanta ka gaysta taakulaynta caruurta Darbi-jiifka Somaliland.

Sheekh Daauud waxa hadaladiisii ka mid ahaa, “Ilaahayna ha u siyaadiyo baynu leenahay wax qabadkeeda, kolay shirkaddo badan iyo dad badan oo wax qaybtayna waa jiraan inta aan ku dayanina waxaan leenahay iyagana ka codsan lahayn inay ku daydaan hadday shaqsi tahay iyo hadday shirkad tahayba”. 

Xarunta lagu xanaaneeyo caruurta darbi-jiifka ah ee ay maamulaan guddida Wanaag-farista iyo xumaan reebistu maaha xarunta kaliyaata ee dalka ka jirta ee shirkadda TELESOM taakulayso, balse waxaa jira xarumo sidan oo kale ah oo dalka ku yaala kuwaasi oo ay shirkadda TELESOM ay taakulo ka gaysatayo markasta oo baahi ka soo ifbaxda loola yimaado, halka qaarkoodna ay shirkaddu taakule joogta ku bixiso.