Kuweyt Oo Martigelinaysa Shir Caalamiya Oo Qaadhaan Loogu Ururinayo Waxbarashada Soomaaliya

0
668

Kuweyt(Geeska)-Haayadda Waxbarashada, Dhaqanka, Sayniska iyo Barbaarinta ee Caarabta ayaa shaaca ka qaadday in dalka Kuweyt uu martigelin doono shir ay ka soo qaybgalayaan dalalka Deeq-bixiyeyaasha oo lagu ururinayo qaadhaan lagu taageero waxbarashada Soomaaliya.

ALECSO

Haayaddan oo magaceeda loo soo gaabiyo ALECSO ayaa sheegtay in barnaamijkani uu ku dhisan yahay aragtida ah in waxbarashadu ay tahay kadinka laga galo nabadgelyada iyo horumarka, sidaa awgeed ay qasab tahay in la badbaadiyo waxbarashada Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo shalay mar uu kulan la yeeshay dhiggiisa Kuweyt warbaahinta ay la wada hadleen ayaa isna shegay in Hindisahan dalka Kuweyt keentay uu yahay martigelinta shir caalamiya oo lagu taageero waxbarashada iyo in dalka Kuweyt uu isu soo ururiyo dawladaha dunida si ay qaadhaan ugu tabarucaan waxbarashada Soomaaliya, waxa aanu ku tilmaamay hindisihii ugu muhiimsanaa, maadaama oo uu u arko in waxbarashadu ay ka mid tahay hubka ugu muhiimsan ee lagula dagaalami karo fikirrada xagjirka ah.

Shirkan oo lagu wada in sannadkan inta aanu dhammaan la qaban doono ayaa sidoo kale lagaga hadlay shir-madaxeedka Ururka Iskaashiga Islaamga ah uu dalka Turkigu martigeliyey.

War-murtiyeedka ka soo baxay shir-madaxeedka 13aad ee Ururka Iskaashiga Islaamka oo sannadkan lagu qabtay magaalada Istanbul ee Turkiga ayaa lagu sheegay in shir-madaxeedku uu cod dheer ku ammaanayo kuna qaddarinayo ogolaanshiyaha dalka Kuweyt uu ogolaaday martigelinta shirka deeq-bixiyeyaasha ee lagu taageerayo waxbarashada Soomaaliya.