Mashruucii Balaadhinta Biyaha Caasimada Oo la Bilaabayo

0
523

 

44Hargeysa (Geeska)- Wasiirka Macdanta, Tamarta iyo Biyaha, Xuseen Cabdi Ducaale ayaa shacabka caasimada ugu bishaareeyey inay dhowaan biyo la-aanta jirta dhamaan doonto, dhowaana mashruucii balaadhinta biyahu bilaabmayo oo dhaqaalahiisi yimi.

Wasiirka Macadanta oo shalay xafiiskiisa ku qaabilay masuuliyiin ka socday Midowga Yurub iyo wakiilkooda Somaliland, ayaa yidhi, “Waxaanu maanta (shalay), halkan idin yeedhnay inaanu ummadda u sheegno halka ay marayso marshuucii balaadhinta Biyaha Hargeysa ee ay noogu deqeen Midawga Yurub. Runtii muddo dheer ayaanu sugaynay mashruucan oo markii ugu horaysay ee Xukuumaddan cusubi ay timi oo ahayd 2010-ka ayaanu baadidoon sidii loo helilahaa mashruuc lagu kobciyo Biyaha Magaalada Hargeysa, markaa Illahay ayaa nagu guuleyay ee Midawga Yurubna naga aq-baleen waxayna  lacagta ku dhawaqeen bishii Semteber ee 2011-ka ayaa lacagta la ansixiyay. Anaguna saddex biloodle Guddigan la sameeyay waanu shiraynaa oo mashruucan fulintisii ayaanu hagaynaa oo wixii mushkilad ku timaada ayaanu xalinaynaa.”

Wasiirka Macdanta ayaa sidoo kale shacabka Caasimada Hargeysa iyo Wajaale oo la weydiiyey xilliga uu bilaabmayo sheegay, “Markaa Dadweynaha reer Hargeysa waxaanu ugu busharaynaynaa oo aynu og-nahay xaalada Biyaha ee taagan in mashrucii uu immika si fiican inoogu bilaamay oo waxa la joogaa sidii beeb laynka loo dalbi lahaa. Waxaanu rajeenaynaa inaanu Madaxweyna ugu yeedhno dhagax dhigiisa sannadkan aynu ku jir oo rasmi loo bilaamo bisha Semteper, immikana waxa socda hawlihii ka horeeyay ee nash-qadayntii iyo sidii wax loo dhigi lahaa. Sidoo kale mashruucii Wajaale, dhowaan ayuu bilaabmayaa, marka kani dhaqaaqo.”