Shirkadda Sharci Ee Watershed Oo Ku Guulaysatay Abaal Marin Caalami Ah

0
632

90Shirkada Adeegyada Sharci ee Watershed Legal Services waxa ay ku faraxsan tahey in ay shaaciso in lagu sharftey loona xulley abaal marin heer caalami ah. Taas oo lagu qiimeeyay in ay si hagar la’aan ah ay tabaruc ahaan u bixisey talo-sharci oo duug ka hadhey, taas oo ay ku taakuleysay bulshada caalamka. Abaalmarintan heerka caalami ah ee lagu sharfey Shirkada Adeegyada Sharci ee Watershed waxaa lagu soo saarey warsaxaafadeed guud iyada oo isla markaana si rasmi ah loogu martiqaadey xafkada abaal-marintani ka dhacdey maanta.   Xarunta Thomson Reuters Foundation waa garabka kaalmooyinka bani’aadminimo ee shirkada caanka ah ee dunida ku hogaamisa xaga wararka, xogta  iyo macluumaadka  ee Reuters. Xarruntani oo ujeedooyinka loo abuurey waxaa ka mid ah: in ay kobciso ku dhaqanka (ixtiraamida) iyo hirgelinta sharciga, in ay badbaadiso bani’aadanka ku sugan goobaha masiibooyinku ka dhacaan iyo in ay kor-u-qaado heerarka habsimo (standards) ee saxaafada dunida. Qaybaha muhimka ah ee ay marti-galiso xaruntani waxaa ka mid ah “Isku Xidhka Qareenada Dacalada Dunida kuwaas Waqtigooda badh ahaan u Tabaruca Hawlaha Bani’aadminimo ee Dunida Dacaladeeda ka socda lana yidhaa (TrustLaw Connect community of pro bono lawyers).

Barnaamijkani Qareenada Mutadawiciinta ahi waxa ay ujeedada loo aasaasey tahey in la baahiyo taakulada ay qareenada ku shaqaysta xirfada/mihnada sharciyaqaanimo ay dunida ku soo kordhiyaan. Taakuladan sharci waxa loo fidiyaa ururada aan dawliga aheyn, iyo ganacsatada hal-abuurka leh ee wax ku soo kordhiya bulshada dunita iyo dawladaha curdinka ah xaaladaha qaarkood. Thomson Reuters Foundation  waxa ay rumeysan tahey:

“in ururada aan dawliga aheyni ay awoodi karaan in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinka bani’aadminimo, deegaan, iyo ijtimaaci, balse ka midho dhalinta hawshani ay caqabad ku noqon karto in la waayo kaalmo sharci oo bilaa lacag ah isla markaana kafeyn karta. Sidaa darteed, Barnaamijka Isku-xidhka Qareenada Dunida ee Tabaruca ahi “TrustLaw Connect community of pro bono lawyers”,waxa ay suurto-galiyeen in ay isku xidhaan sharci-yaqaano leh khibrad iyo aqoon sare oo caalami ahaan la aqoonsan yahey kuwaas oo taakulo sharci oo bilaa lacag ah u fidiya Ururada Bulshada, Ganacsiga Hal-abuurka leh ee bani’aadanka koonka ku dhaqan wax ku soo kordhiya”.

Sidaa darteed dadaalka bilaa hagrashada ah ee tabaruca ah ee ay Qareenada Shirkada Adeega Sharci ee Watershed ku taageereen muwakiliintayada ayaanu ugu xulaney in ay bixiyeen   talo-duug ka hadhay, ayaa warsaxaafadeedka Xarunta Thomson Reuters Foundation lagu soo gaba-gabeeyay. Shirkada Adeegyada Sharci ee Watershed waxa ay la shaqaynasey Isku-xidhka Qareenada Dunida ee Waqtigooda ku Tabaruca guud ahaan sanadkii 2012ka. Iyada qorshahayagu yahey in aanu sii libin-laabno bixinta adeegyada tabaruca ah mustaqbalka. Sanadkan 2012ka waxa uu Barmaamijkan TrustLaw awoodey in uu agaasimo kaalmo sharci oo tabaruc ah taas oo lacag ahaan dhan  $25 Milyan oo Doolar, taas oo ku baxday adeeg iyo taakulo xirfad sharci oo loo hurey si tabaruc ah dunida guud ahaanteed.

Shirkada Adeegyada Sharci ee Watershed Legal Services,  waa shirkad heer caalami ah oo  xarunteeda guudi ku taalo Magaalada Hargeisa ee Soomaaliland. Ujeedada loo abuurey shirkadani  adeegyada sharci waa in ay fududeyso maalgashiga dibada iyo gudaha dalka laga hirgalinayo, iyada  oo bixinana isku xidh iyo adeeg sharci oo heer caalami gaadhsiisan, isla markaana badhitaarno in dalka Jamhuuriyada Soomaaliland kula tartamo dalalka ku yaala Geeska Afrika xaga maal-galinta caalamiga ah.

Watershed waxa ay xubin ka tahey Shabakada isku-xidha Qareenada Dunida oo ay ku jiraan in ka badan 184 dal iyo jasiirado oo dunida dacaladeeda ku kala fidsan. Sidoo kalana waxa ay ka diwaan-gashan tahey si buuxdana uga shaqaysaa dal-weynaha Mareykanka, iyada oo awooda in ay bulshada Soomaaliland ka kaalmeyso mushkiladaha sharci ee xuduudaha dunida oo dhan. Hadii aad rabto in aad xog dheeraad ah ka hesho Shirkada Adeegyada Sharci ee  Watershed Legal Services waxaad booqataa mareegta ay shirkadu ku leedahey barta Internetka ee ah: www.watershedlegal.com, ama fariin u soo dir e-mailada shirkada ee ah  contact@watershedlegal.com, Ama soo booqo xafiiska shirkada oo ku yaala: Hargeisa, Degmada I/Kodbur, Bada Cas, Sii Jeedka Hudheelka caanka ah ee Summer Time ama Jaamacada Gollis.

Guuliba  Waa ta Alle;

Garyaqaan: Xassan Farah Muxumed.

Maamulaha Guud ee Shirkada Adeegyada Sharci ee Watershed Legal Services.