Shirkadda SBI Oo Soo Bandhigtay Sharaabka Coca-Zero

0
507

Picture4Hargeysa(Geeska)-Shirkada sharaabka ee Somaliland Beverage Industries(SBI) ayaa u soo bandhigay macaamiisheeda sharaabka bilaa sonkorta ah ee loogu tala galay  inay isticmaalaan dadka qaba  xanuunada macaanka iyo kuwa aan jeclayn macaanka.

Munaasibada lagu soo bandhigayey sharaabka bilaa sonkorta ah oo loo bixiyey Coca Cola Zero  oo lagu qabtay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa waxa ka soo qayb galay masuuliyiinta warshada sharaabka ee SBI, macaamiisha shirkadaas iyo marti sharaf kale.

Ugu horayn waxa munaasibadan ka hadlay maamulaha warshada sharaabka ee SBI Mustafe Cismaan Geele  waxaanu kaga dhawaaqay inay shirkada sharaabka ee SBI ay sanadkan gudihiisa si rasmi ah shaaca uga qaaday sharaabka cusub ee Coca Cola Zero waxaana hadaladisii ka mid ahaa “Munaasibadani waa mid aanu si rasmiya ugu soo bandhigayno bulshada Somaliland iyo Puntland oo sharaabka Coca-ha isticmaala, haddii aan ka waramo sharabkan Coca Cola Zero ilaa sagaal sano ka hor ayaa shirkada Coca Cola ku soo dartay sharaabyada kala duwan ee ay soo saarto,  sagaalkaas sanadoodna ilaa 109 dal loo iib geeyey, Somaliland-na maadaama oo aynu nahay shirkadaha ugu cusub ee sameeya sharaabka Coca Cola-ha  sanadkan 2014 ayaa si rasmiya ayaanu u soo bandhignay sharaabkan Coca Cola Zero,”

Maamulaha warshada sharaabka ee SBI oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay inay sharaabkan aad u soo dhaweeyeen dhalinyarada Somaliland iyo Puntland  waxaanu tilmaamay inaanay waxba u dhaxayn dhinaca dhadhanka sharaabka ay soo saarto warshada SBI waxaanu yidhi “sharaabka Coca Cola Zero waa sharaab guud ahaan caalamka gaar ahaana dhalinyaradu aad u jeclaadeen, dadka cabaana ay u badan yihiin dhalinyarada cuslaatay, waxaanan ka rajaynayaa in Somaliland iyo Puntland-ba in sida caalamka looga jeclaaday sharaabkan ay dhalinyarada joogtaana u jeclaan doonaan dhadhanka sharaabkan, marka xaga dhadhanka la eego ma jiro wax u dhaxeeya sharaabka kale, dhalinyarada firfircoon ee ciyaaraha iyo bood boodka jecel ayaa sharaabkan aad u soo dhaweeyey , waxaanan ka rajaynayaa dhalinyarada guud ahaanba meel kasta oo ay joogaan inay sharaabkan  Coca Cola Zero u soo dhawayn doonaan sidii ay u soo dhaweeyeen sharaabka kale ee shirkadu soo saarto.”

Sidoo kale waxa munaasibadan lagu soo bandhigay ciyaaro kala duwan oo qalaama rogadka ah, kuwaas oo ay soo bandhigeen dhalinyaro aad u firfircooni.