Fu’aad Aadan Cadde Oo Dhaliilo Adag U Jeediyay Gudiga Doorashooyinka Qaranka

0
3721

 

lolHargaysa( Geeska )- Lataliyaha madaxweynaha ee arimaha gobalada bariga Fu’aad Aadan Cade, ayaa dhaliilo xoogan u jeediyay gudiga komishanka doorashooyinka isaga oo ku dhaliilay inay dalka ka sameeyeen cadaaladdaro  iyo khalkhal xoogan.

 

Fu’aad Aadan Cade waxa uu nasiibdaro ku tilmaamay in doorashadii dalka ka qabsoontay ay soo noolaysay qabyaalada, isla markaasna ay noqotay mid dalka dib u celisay, waxaanu ururda iyo musharaxiinta ugu baaqay inay dhawraan amaanka dalka iyo wada jirka, isaga oo rajo ka muujiyay in doorashada tan ka danbaysaa ay dalka si fiican uga dhacidoonto.

 Fu’aad Aadan Cade waxa uu arimahan kaga hadlay waraysi gaar ah oo uu siiyay shabakada Hadhwanaagnews, waxaanu ugu danbayntii dadka ugu baaqay xoojinta amaanka iyo wadajirka.

Ugu horayntiina isaga oo ka hadlaaya Fu’aad sanaaduuqda isxanbaarka ah ee la geeyay tuulada Bohol waxa uu yidhi“ Shantaas saduuq waa la qaaday oo lama ogaysiin reeraha meesha dagan waxaana la dhigay tuulada Bohol cidina lamay socon, waana mid markhaati leh oo shacabkii ka sheekaynaayo in sadex nin ay qaateen sanduuqyadaasna  ay soo buuxiyeen oo halkaas doorashadiina ku dhamaatay, meelwalba waa laga qayliyay oo waanu hadalnay lamana joojin. Waxa aan hubaa shantaas sanduuq ee tuulada qudhaata la yidhi dhiga  in ay tahay wax uu sameeyay ninka gudoomiyaha komishanka ah, halkan anaga oo joogna oo waftiya ayaanu la kulanay ninkaas oo waa uu noo badheedhay waxa uu yidhi shantaas sanduuq ayaa la dhigayaa, waliba Xudun waa la soo xanbaarayaa , xanbaarkaasuna waa cay anaga nalagu-wado oo aanan mardanbe yeelayn  waxa la xanbaaraa caruurta yar yar iyo qof weyn oo asaasaqay,anigu waxaan odhan lahaa waa laysdilaa waa laysmucaaradaa Somaliland dhibaato waa ay ka dhex dhacdaa waana laga heshiiyaa,  laakiiin sidaas laysuma caayo, waxa la soo xanbaarayaa Xundun waxa soo xanbaaraysa tuuladii Bohol wali maan garan.”

Fu’aad isaga oo ka hadlaaya aragtidiisa doorashadii dalka ka dhacday waxa uu yidhi “ Nasiib daro doorashooyin hore ayaa ina soo maray oo aad ayay u wanaagsanaayeen, maalin dhawayd joornaal waxaan ku arkay dhalinyaradii oo qabyaaladii 28 maalmood  toos loo baraayay, runtii qabiilbaa laynugu celiyay imika sheekada wadanka taala waa ayaa Ceerigaabo badiyay yaa Laasacaanood ku guulaystay iyo Hargaysa waa laysku haystaaye yaa majooratigii leh, waxay maraysaa magaaladii heblaayo reer Hebel ayaa leh, markaas doorashadan aad ayay inoo xumaysay, waxaanan rajaynayaa in doortashada tan inuugu xigtaa ay si wanaagsan inuugu dhacidoonto, danbigana anigu komishanka ayaan saarayaa.”

Ugu danbayntii waxa uu Fu’aad dadka reer Somaliland u soo jeediyay inay muujiyaan dulqaad, isla markaasna arimaha ku eekeeyaan inay u maraan wadooyinka sharciga ah “ Waxaynu waxan ku  soo wadnay dulqaad iyo wanaag doorashadaas inaga xumaatay, way xumaatay doorashadii  layskumana hayo ee anigu waxaan odhan lahaa haladulqaato oo halasamro,dhalinyaradan la yidhi way soo baxeen marna maydaan soo baxin cadaalada hamareen, ta inuugu daranina waa dhibaato iyo dagaal dadkii inagaga dhintay alle samir iyo iimaan haynaga siiyo kuwa dhaawaca ahna alle caafimaad ayaanu uga barayaynaa intaasna yaan in lagu darin ayaan odhan lahaa, dabcan waa la ceebaynayaa komishanka sidaas aan aniguba u ceebaynaayo, ninka maanta amaanaya komishankana waa nin guushiisa uun eegay ee aan eegay dhibaatada ay dalka ugaysteen, waxaan odhan lahaa haku eekaato in aynu komishanka ku nidhaahno intaad noogaysateen wax kabadan hanoogaysanina , lakiin halkaas lagu samro oo nabada la’ilaaliyo.”