Shirkada Som Petroleum Oo Tababar Muhiim Ah U Qabatay Kaalmaha Shidaakla

0
648

Picture2Hargeysa (Geeska)-Shirkada Som Petroleum  ayaa Tababar ku saabsan sidii looga hortagi lahaa dabka iyo khataraha ka dhalan kara u qabatay qaar ka mid ah Masuuliyiinta, Shaqaalaha iyo hawl-wadeenada Kaalmaha Shidaalka caasmadda.

Tababarkan oo si gaar ah ay u soo qaban-qaabisay Shirkada Som Petroleum ayaa waxa Tababarkaas oo ka dhacay Amasador Hotel ee Magaalada Hargeysa, lagu soo bandhigay Muqaalo ka turjumaya waxyaabaha Dabka dhaliya, sida Dabka la iskaga difaaco.

Maamulaha Guud Ee Shirkad Som Petroleum Ismaaciil Maxamuud Xirsi oo Tababarkan furay ayaa sheegay in loo baahan yahay in kaalin kasta oo shidaal iyo Guri kastaba laga helo haamaha dabka bakhtiiya isaga oo sheegay inay muhiim tahay, waxa uu sheegay in loo baahan yahay in iyada oo gacmaha la is haysto dabkasta oo goob ka kaca lagula dagaalamo si wada jir ah,waxaana uu soo jeediyay in Qofka Kaalinta haystaa ka dheeraado Sigaarka waxaanu sheegay inuu  sababi kara Inuu dab ka dhasho kaalinta, waxaanu yidhi isaga oo arintan ka hadlaya “Runtii waxaanu ka fikirnay inaanu eegno ka shirkad ahaan danta guud hadba markasta wixii laga samayn karo,waxaanu samaynay oo aanu ka fikirnay kaalmaha Shidaalka ee waawayn oo dalka badankiisa ku yaala inaanu u qaybino Haamaha dabka lagu bakhtiinayo,waxaanan taas uga jeednaa khatarta dabka ay kulaalayaan Siday iskaga Difaaci lahayeen.

Tababarkani waxa uu ku saabsan yahay sidii dabka loola tacaali lahaa,dabkuna waa laba dheefoodleh,waxaanu ka shaqayno oo runtii ah Shidaalka intiina halka fadhidaana u badan tihiin,aduunkana waad aragteen in loo sameeyo Calaamado meesha uu yaal Shidaalku, khatarta shidaalka waxa waajib ah in aynu ogaano oo feejig naanteeda la yeesho,markaas ujeedada aanu tababarkan u furnay ayaa ah sidii looga gashaaman Lahaa Dabka”.

Macalinkii Tababarka bixinaayey  oo lagu magacaabo Maxamed Daahir Cabdalla ahna madax suuqgeynta ee Shirkada ayaa isna waxa uu si xeel dheer uga hadlaya sidii Dabka la iskaga ilaalin Lahaa iyo khataraha uu leeyahay,waxaanu si  faah-faahsan oo Muuqaalo ku dheehan yihiin khataraha Dababka ugu Soo bandhigay Dadkii Tababarkan Ka qayb qaadatay isaga oo bulshadan ku guubaabiyay inay ka feejignadaa Khatarta Dabka, waxaanu yidhi  “Qofku marka uu Shidaalka shubayo khatarta ugu badan ee uu dabku ka dhasho waa sigaarka ah iyo Mobilka oo leh marka uu soo dhaco Dab ama danab isku badali kara Markiiba Dab, Bulshada waxaan u soo jeedin lahaa in ay ka Feejignadaan ama qofka Kaalinta Shubaya iyo ka Gaadhiga wadaaba wax kasta oo dab dhalin kara ka gashaantaan.

 Haddaba haduu dab kugu yimaado Sidaad uga hortagi kartaa,waa inaad haysataa haanta naqasaka Ah oo iyaduna qaybo kala gadisan ka kooban oo mar loo adeegsado Shidaalka dabka uu keeno iyo mid loo adeegsado  Saliida iyo looxaanta, Qofkasta wax ku waajib ah inuu gurigiisa u taalo si uu si dhibyar iskaga difaaco cadawga dabka ah oo markasta u baahan taxadir gooni ah inaad ka yeelato.

Mulkiilaha Huteelka Kaah oo ka mid ahaa Shirkadihii Tababarkaas  lagu soo casuumay ayaa ka markhaati kacay in loo baahan yahay in loo bahoobo sidii dabka la iskaga kaashan lahaa madaama oo ku tilmaamay cadaw Aan ogalaansho ku siinayn Hadaanad iska difaacin oonad la dagaalamin.

Dhinaca kale Tababarkan ayaa waxa ka hadlay qaar ka mid ah masuuliyiinta iyo shaqaalihii kaalmaha ee loo qabtay Tababarkan, waxayna sheegeen inay aad ugu baahnaayeen isla markaana wax badan ka fahmeen Tababarkan,

Tababarkan oo maalin socday ayaa waxa soo xidhay soona gunaanaday  Ismaaciil Maxamuud Xirsi oo ah maamulaha Shirkada Som Petroleum waxaana ku dhiirigeliyey Masuuliyiintii iyo Shaqaalihii Tababakan qaatay inay si wanaagsan ugu dabaqaan waxa ay barteen hawlahooda shaqo isla markaana aad uga feejignadan dhibka uu dabka leeyahay