Talyaaniga Oo Badbaadiyay Tahriibayaal Ay Somali Ku Jirto

0
523

Picture1Ciidamada Badda Talyaaniga ayaa saddexdii maalmood lasoo dhaafay soo badbaadiyey in ka badan 5,000 tahriibeyaal Afrikaan ah oo ay ku jiraan Soomaali.

Tahriibeyaasha ayaa la sheegay in ay la socdeen doonyo ka badan 15 oo ay ka raaceen xeebaha dalka Libya oo ah marinka loo soo maro Yurub.

Saraakiisha Ciidanka Badda Talyaaniga ayaa Isniintii doraad ah sheegay in ay heleen 9-qof oo meyd ah, iyadoo tirada guud ee dadka lasoo badbaadiyey ay gaadhayaan 5625.

Waxay intaas ku dareen Saraakiisha in howlaha gurmadka ay weli socdaan iyadoo ay dhici karto in dad kale weli ku xaniban yihin Badda Mediterranean-ka ee u dhaxeysa Libya iyo Italy.

Tani waxay muujinaysa in ay kor u sii kacayso dadka magan galyo doonka ee naftooda u biimeynaya sida ay u gaari lahaayeen qaaradda Yurub iyagoo ka cararaya xaaladdaha cakiran ee ka jira dalalkoodi.

Sanadwalba Badda u dhaxeysa Libya iyo Talyaaniga waxaa ku dhinta tahriibayaal u badan Afrikaan iyagoo ku safra doomo yar isla markaana aan loogu talogelin safarradda dheer.

Sanadkii 2014 ayey tahriibayaal gaadhaya 3500 oo doonyo kasoo raacay Liibiya ku dhinteen bada iyagoo isku dayaya inay Yurub galaan.