Shirkada Pest Kill Oo Xarunta Dhimirka Ee Raywan Ka Fulisay Hawlgal Cayayaanka Lagaga Laynayo

0
705

Picture4Hargeysa(Geeska)-Shirkadda Pest Kill oo dalka keentay sunta cayayaanka lagu laayo oo casri ah, ayaa  hawl gal ay dulin kaga laynayso ka fulisay Xarunta Dhimirka ee Raywan oo ku taala magaalada Hargeysa. Waxaanay adeegaas ku fulisay si mutadawacnimo ah.

Hadal kooban oo ay halkaasi ka soo jeedisay Agaasimaha Maamulka iyo suuq geynta ee shirkada Pest Kill Muuna Maxamed Qaalib, ayaa waxa ay ku sheegtay in ka dib markii ay ka war heleen in dalka Somaliland laga isticmaalo sun caafimaadka khatar ku ah, ay ku dedaaleen sidii ay dalka u keeni la haayeen mid wax tar badan u leh dadka dhibtuna ku yartahay.

Waxa ay sheegtay in xaruntan Raywan oo lagu daaweeyo dadka dhimirka wax ka qaba ay go’aansadeen in ay si tabarucaad ah uga dilaan dulinka halkaasi ku dhashay, waxaana hadaladeedii ka mid ahaa “Waxa aan aad ugu faraxasanahay in shirkadda Pest Kill oo hoos Tagta Company-ga OGF, ay halkan ka fuliso maanta (Shalay) hawlgal nadiifin ah.Runtii waxa shirkaddan la aas-aasay ka dib markii aanu ka war helnay in sunta lagula tacaalo cayayaanka ay waxba ka tari wayday dulinka,  waxaanay awood u leedahay in gabi ahaanba dulinka oo dhan ay layso, dhinaca caafimaadkana waxba yeeli mayso.”

Waxa ay intaasi ku dartay in ay shacabka reer Somaliland looga baahan yahay in shirkadan ay la soo xidhiidhaan iyaga oo ka heli kara goobaha ugu dhaw.

Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Guddoomiyaha Xarunta dadka dhimirka wax ka qaba ee Raywan Aadan Maxamed Xuseen, waxaanu shirkada Pest Kill uga mahad celiyay sida fiican ee ay hawlaha nadaafada ah uga qabteen xarunta uu gudoomiyaha ka yahay, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Waxa aan halkan uga mahad celinayaa Pest Kill oo iyadu is xilqaantay isla markaana naga caawisay in ay dulinka ka layso dadka dhimirka wax ka qaba ee ku jira xarunta Raywan.Runtii waxa ay ahayd gacan aanu u baahnayn, maadaama aanu halkan ku hayno dad badan oo dhimirka wax ka qaba, waxaanan ilaahay uga baryayaa in uu ajar iyo xasanaad dheeri ah ka siiyo shirkadda Pest Kill adeegaas ay maanta halkaas ka fulisay, anagana waxtar bay noo tahay.”