Hargeysa: 30 Arday Oo Dhamaystay Post Gratuate Oo Shahaadooyin La Guddoonsiiyey

0
497

Picture1Hargeysa (Geeska) – Munaasibad balaadhan oo xalay lagu qabtay Hoolka Jaamacadda Hargeysa, ayaa shahaadooyin lagu guddoonsiiyey 30  arday oo bartay culuumta Maamulka Tacliinta, taasi oo ah Post Gratuate.

Ardaydan ayaa culuumta ay ka qaateen shahaadada Post Gratuate-ka soo waday muddo laba sanadood, ayaa munaasibada shahaadooyinka lagu siiyey waxa ka qayb-galay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Madaxa hay’adda AET, madax ka socotay Jaamacadda Islamic University (IUIU) ee dalka Uganda, Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa, agaasimaha Tacliinta sare ee Wasaarada waxbarashada iyo ardayda Jaamacadda Hargeysa.

Hormoodka Kuliyadda Waxbarashada ee Jaamacadda Hargeysa Cismaan Ciise Cawaale, oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa sharaxaad ka bixiyey waxay barteen ardayda shahaadooyinka la siiyay “Waxaynu halkan isugu nimid waa inaynu ku faraxno 30 arday oo markii ugu horeysay ka qalin-jabiyey jaamacadda Hargeysa, bartayna culuumta maamulka Tacliinta, oo ah shahaadada Post Gratuate Diploma, labada sanadood-bay wadeen inay soo gaadhaan halkan Caawa (qalin-jabintooda), labadaa sanadood waxay soo mareen inay hadh iyo habeen u soo jeedaan oo ay u shaqeeyaan si aynu  ugu faraxsano” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray isaga oo faahfaahinaya cidda iska kaashatay “Waxa iska kaashaday jaamacadda Hargeysa iyo Uganda ee IUIU, waxa kale oo mahad mudan hay’adda AET oo kaalin dhaqaale oo weyn ka geystay, la’aanteedna aanay hirgasheen”

Aqoonta maamulka Tacliinta ee ay barteen ardaydan oo isugu jirta rag iyo dumar, oo qayb ka ah dedaalada kor loogu qaadayo waxbarashada Somaliland si tayadeedu u wanaagsanaato, ayaa waxa kale oo ka hadlay Munaasibada ardayda shahaadooyinka lagu siiyay Madaxa hay’adda AET (African Education Developmet) Xasan Embassy oo isna halkaasi ka hadlay, ayaa u mahad-naqay jaamacadda IUIU oo ay  jaamacadda Hargeysa iska kaashadeen bixinta culuumtan oo uu ku tilmaamay muhiim.

Munaasibada oo uu ka hadlay Guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa Prof Gaas, ayaa waxa isaguna ka hadlay Agaasimaha Tacliinta sare ee wasaarada waxbarashada Somaliland Khadar Axmed Diiriye, waxaanu yidhi “Wasaarada waxbarashada iyo Jaamacadda Hargeysaba waa u muhiim, waxaanu ka mid yahay tayeynta waxbarashada Somaliland” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Tayada waxbarashadu waxay ku xidhan tahay tayada barayaasha”

Munaasibadan oo sidoo kale ay ka hadleen Madax ka socotay Jaamacadda Uganda ee IUIU, ayaa waxa soo gabogabeeyay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md Cabdiraxmaan Cirro, waxaana hadal kooban oo uu halkaasi ka ka sheegay ku yidhi “Sharaf ayay ii tahay inaan ka soo qayb-galo xafladan shahaadooyinka  lagu guddoonsiinayo ardayda”

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada oo ardayda shahaadooyinka guddoonsiiyey, ayaa sidoo kale u mahadnaqay Jaamacadaha Hargeysa – IUIU oo iska kaashaday bixinta culuumtan, sidoo kale waxa uu u mahadnaqay hay’adaha UNICEF iyo AET oo gacan ka geystay waxbarashadan, iyagga oo gacan dhaqaale ka helaya ururka Midowga Yurub.