“Inta Loo Qabtay Gabiley Ee Gobolnimada, Cisbitaalada Iyo Jaamacadaba UDUB Baa U Qabatay”

0
662

Eng: Muuse Cabdilaahi Nuur

Hargeysa (Geeska)-Eng: Muuse Cabdilaahi Nuur, oo ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ka hadlay Doorashada, waxaanu sheegay in Xisbiga Waddani, uu yahay Xisbiga qudha ee dalka ka saari kara xaalada uu dalku ku jiro, waxaanu tilmaamay in Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro in aan laga xigin Gobolka Gabiley, codka ugu badana uu ka heli doono.

Eng: Muuse Cabdilaahi Nuur, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale sheegay in inta badan waxyaabaha laga qabtay Gobolka Gabiley in Xukuumaddii UDUB ay ka qabatay, oo Xukuumaddani wax la taaban karo oo ay u qabatay aanay jirin, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Doorasho ayaa kaabiga inoo soo saaran, ee reero inooma sharaxana, nidaamkii reerahana waa laga tagay, ee waxa inoo sharaxan Musharixiin ka kala socda Xisbiyada, qorshuhu  maaha haddii hebel soo baxo reer hebel baa gun noqonaya, Cabdiraxmaan Cirro-na Gabiley lagama xigo, codka ugu badana uu ka helayaa, ee reeraha dhaqan baa lagu dhaqaa ee Siyaasad laguma dhaqo, Xisbiga Waddani waxa ka sal ah in si fiican loo tartamo, Madaxweyihii soo baxaana, Shacabka ayuu Madaxweyne u yahay ee si sharafo iyo xarago ku jirto in loo tartamo weeye”.

Eng:Muuse mar uu ka hadlaayey Gobolka Gabiley ayaa yidhi “Dadka degan Gobolka Gabiley, waxaan leeyahay ha ku xisaabtamina wax la yidhaahdo Qabyaalad, waxaana cad in Kulmiye aanu horena waxba ugu qaban, dibna waxba ugu qaban maayo, inta loo qabtay Gabiley ee ay ka mid yihiin Gobolnimada, Cisbitaalada iyo Jaamacadaba, UDUB baa u qabatay,  Kulmiyena wax alaale wuxuu ku leeyahay ma jirto,ee dadka yaanu been u sheegin, Gobolka Gabiley intii uu Kulmiye haystay wuxuu u dhisay oo qudha waddada 18 km, ee Wajaale iyo Kala-badh u dhexeya, dhibaatooyinka uu ku sameeyey waxa ka mid ah dhibtii Ceel-bardaale oo ilaa hadda aanu waxba ka qaban, walina muu dawayn dhibtii halkaas ka dhacday, waan uga mahadaqayaa Xukuumadda lacagta maaliyiinka ah ee ay ku bixisay Gobolada Barri, si loo soo af jaro colaadaha Goboladaas ka jiray, balse dhibkii Ceel-bardaale wali sidii looga baahnaa inay wax uga qabato ugamay qaban”.

Eng:Muuse mar uu ka hadlaayey Siyaasada Xisbiga Waddani ayaa yidhi “Xisbiga Waddani waxa u saldhig ah cadaalad, nabadgalyo iyo dawlad wanaag, oo aanu jabin doonin shuruucda dalka, sicir bararkana meesha ayuu ka saari doonaa, oo dalka horumar ayuu gaadhsiin doonaa”.

Mar uu ka hadlaayey heshiiska Dekadda Berbera ayaa yidhi “Heshiiska Dekadda Berbera, waa dhibaatada kowaad ee uu Kulmiye soo jeediyey, ee uu sabab u yahay, ee maantaba la dareemayo, heshiiska Dekadda Berbera, ee ay Xukuumaddani gashay, wuxuu ahaa heshiis sharci daro ah, wuxuu ahaa heshiis aan dalka iyo dadkaba midna aan u adeegin, wixii kale ee la bixinayaba ee maalgelin ah in la bixiyo ayey ahayd balse in Dekadda la bixiyo may ahayn”.