Nairobi,(Reuters) – Shirkada shidaalka iyo gaasta Turkiga ee Genel Energy Plc ayaa sheegtay inay sahamin shidaal sannadka soo socda ka bilaabi doonaan Somaliland, qoditaanka ceelka ugu horeeya iyo ka labaad ee shidaalkana bilaabi doonaan 2014 iyo 2015, sida saraakiil shirkada ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters u sheegeen.
Shirkadan oo fadhigeedu yahay London ayaa sheegtay bishii Sideedaad inay sharci u haystaan labada Block ee 13 iyo 10B. goobaha Block-yadan ku yaaliin ayaa leh qaab dhismeedka sida wadanka Yemen ee shidaalka soo saarta, isla markaan alaga heli karo ugu yaraan ilaa hal Bilyan foosto shidaal ah, ayey shirkadu sheegtay.
Shirkadan Turkiga ah ayaa sheegtay inay hanti gaadhaysa ilaa $400 million u isticmaali doonaan ilaa shan ceel oo Afrika ay ka qodi doonaan saddexda sannadood soo socda. "Somaliland waxa leedahay fursado shidaal muhiim ah, waxaan rajeynaynaa inaan dhowaan hawlahu ka bilaabmaan.” Ayuu sheegay, afhayeenka General, Andrew Benbow, shalay.
Barriga Africa ayaa dhowaanahan noqotay hoyga baadhitaanka shidaalka iyo gaasta. Heshiisyo kala duwan oo xilligii Siyaad barre iyo xukuumadihii ka danbeeyey galeen ayaa la saadaalinayaa inay caqabado keenaan, laakiin, shirkadan Turkiga ee Genel Energy ayaa ka gaabsatay inay ka hadasho xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya, balse, xaqiijisay inay hore ugu socon doonaan hawlahooda sahaminta Somaliland.
Sharciga sahaminta shidaal ee Somaliland ayaa ah ka keliya ee shirkadani ka haysato Geeska Afrika.
Dhinaca kale, wasiirka Macdanta, Biyaha iyo Tamarta, Xuseen Cabdi Ducaale ayaa cadeeyey shirkad degan Kenya oo maalgashedayaal Chinese iyo India leeyahiin dhowaan hawlo dhuxul-dhagax iyo birta ka bilaabi doonaan Somaliland
Xuseen cabdi Ducaale, oo Koonfur Afrika shirk u saabsan shidaalada Geeska Afrika kaga qeybgalaya ayaa sheegay in Saddex shirkado shidaal kala ah, Ophir Energy Plc, Jacka Resources iyo Genel Energy, joogaan Somaliland, dhowaana madaxa General Energy iyo kooxdiisu iman doonaan bisha danbe, halka Ophir hawlahood abilaabi doonaan December, shirkada Turkiga ee General Energy-na bisha Febr, ama March. “Saddex shirkado shidaal ayaa Somaliland jooga, shirkada Ophir bisha December ayey hawl geli doonaan, halka General Energy bisha Labaad ama saddexaad. Hawlaha shidaalka, ma khuseeyaan siyaasada, laakiin, goobaha shidaalka. Meel kastoo, shidaal ku jiro waan baadhaynaa.” Ayuu Wasiirka macdantu sheegay.
Wasiirka Macdanta ayaa sheegay in shirkad degan Kenya oo hantiileyaal Chinese iyo Indian leeyahiin hawlo dhuxul dhagax iyo birta ka bilaabi doonaan Somaliland, balse ka gaabsaday shaacinta magacooda. “Waxaan rajeynaynaa inaan bilowno sahaminta macdanta birta iyo dhuxul dhagaxda muddo sannad gudahii ah.”