Hargeysa (Geeska)- Wefdi ka socda shirkada General Energy oo dhaqaale gaadhaya 39 milyan u adeegsanaya sahamin shidaal oo December ay Somaliland ka bilaabi doonaan ayaa maanta Wasiirka Macdanta, Tamarta iyo Biyaha, Xuseen Cabdi Ducaale ku soo dhoweeyey madaarka Cigaal Airport.
Wefdiga shirkada General Energy oo dhowaan iibsatay boqolkiiba todobaatan saamigii Asante Oil ayuu hogaaminayey ku xigeenka madaxa shirkada John Horst, lana socdeen masuuliyiin kale ayaa wasiirka Macdanta, Biyaha iyo Tamarta, Mr. Xuseen Cabdi Ducaale sheegay in shirkadan oo dalka ku cusub lagana leeyahay Turkiga, dhowaan hawlo baadhitaan iyo sahamin u adeegsanayaan diyaarado bisha December ka bilaabi doonaan dalka, waxaana hadalkiis ka mid ahaa, “Waxa maanta (shalay), sharaf weyn noo ah inaanu ku soo dhawayno dalka Somaliland markii koowaad madax ka socota shirkada General Energy oo shidaalka qoda laga leeyahay dalka Turkiga, dhowaana iibsatay boqolkiiba todobaatan saamigii Asante Oil, sidaan idinku sheegay in badan ayaanu saadaalinaynay goorma ayaa wax laga qabanayaa Shidaalka dalkeena is leenahay wuu ku jiraa. Waxa farxad weyn noo ah in hawl wanaagsan oo ah waxqabad balaadhan uu ka soo socdo shirkadan sidii ay uga hawl-galli lahayd baadhitaanka iyo sahaminta Somaliland. Bisha December, 2012-ka ayey bilamaysaa shaqadii sahamin loo adeegsanayo diyaarado iyo miinooyin dhulka lagaga gariirinayo, si loo ogaado macluumaadka dhulka hoostiisa meelaha ugu wanaagsan ee saliid laga helayo.”
Wasiirka Macdanta, Xuseen Cabdi Ducaale ayaa cadeeyey in sannadka 2014 filayaan in ceelashii ugu horeeyey ee badrool laga qodo dalka, ilaahayna ka rajeynayaan in shidaal laga helo mustaqbal fiican gaadhsiiya ummada reer Somaliland, “Sannadka soo socda badhtamihiisa shirkadu qorshaynaysaa helitaanka meelahii ceelasha laga qodi lahaa, taasoo 2014 rajeynayaan in ceelashii Badroolka ugu horeeyay laga qodo dalka oo shidaal laga helo ama laga waayo Isha-Allaah, waxaan rajeynaynaa in dalkeena laga helo shidaal oo ah wax ummadda reer Somaliland gaadhsiinaya mustaq-bal fiican oo anagu mar walba waxaanu ku jirnaa dedaal ah sidii dalkan loo horumarin lahaa oo ah wixii bulshada reer Somaliland u bahan tahay. Mashruuca shirkadan wado waa mid balaadhan kuna bixi doonto dhaqaale gaadhaya sagaal iyo soddon Milyan oo Dollar.” Ayuu yidhi, Wasiirka Macdantu.
Mr, John Horst, oo hogaaminayey wefdiga shirkada General Energy ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sida diiran ee loogu soo dhoweeyey dalka, “Waxaan aad uga mahadcelinayaa Madaxweynaha Somaliland, Axmed M. Maxamuud (Siilanyo) iyo wasiirka Macdanta, Tamarta iyo Biyaha, Xuseen Cabdi Ducaale sida diiran ee dalka naloogu soo dhoweeyey. Waxaan rajeenayaa inaanu hawsha halkan aanu u nimi maanta ay tahay sidii Somaliland uga baadhi lahayn shidaal oo aanu rajeynayno inaanu ku guulaysano hawlaha baadhista iyo sahaminta shidaalka,”Ayuu yidhi Horst.
Wakiilka General Energy ee Somaliland, Ibraahin Maxamed Xasan, aya asheegay in muddo badan la sugayey ogaanshaha shidaalka dalka ku jira, laakiin maanta ugu dhowdahay, isagoo yidhi, “Muddo badan ayaa la filayey oo la lahaa shidaal ayaa la soo saarayaa ama la badhaayaa, immika ayey ugu dhowdahay sida madaxdii iga horaysayba sheegtay Wasiirka Macdanta iyo John Horst. Sannadka soo socda ayey hawsha badideedu qabsoomi doontaa. Waxaana loo bahan yahay inaynu dhamaanteed is garab galno oo ay gacmaha is qabsano sidaan dalkeena uga shaqayn lahayn horumarkiisa.”