Shirka Tallo-Wadaag Iyo Goobta Uu Ka Furmi Doono Oo La Iclaamiyay

0
569

Picture2

Hargaysa (Geeska)- Shir  Dhaqan Oo Socon Doona Mudo Laba Cisho ayaa Maanta Salaadiinta Beesha Abokor Muuse ee Ciidagale Kulan loogu gogol xaadhayo waxay ku qabteen Magaalada Hargaysa, Kaas oo nuxurkiisu ahaa Mudaynta Qabashada Shir weynahaasi oo ka dhici Doono Dagmada Sallaxlay ee Gobolka
Maroodijeex ee deegaanka Gaaroodi.

Kulan Qado Sharaf Ah Oo khamiistii Madax Dhaqameedku Beeshu ku yeesheen Huteel Dalxiis ee Magaalada Hargaysa ayay ku cadeyeen in 27-ka ilaa 28 Bishan August uu socon doono Shirweynaha Talo wadaag kaas oo ay Xuseen in lagaga hadli doono danaha beesha iyo horumarkooda.

Shirkan waxa Furay Suldaan Aadan Faarax isaga oo Mahadnaq u jneediyay Dhallinyaradda beesha Abokor Muuse oo door weyn ka ciyaaray in la isugu yimaado Kulankan, Waxaanu ugu baaqay Qurbejoogta iyo dal joogta beeshu inay ka soo qayb galaan Shirweynahan. “Shirku waa Shir dhaqan waana shir wada tashi oo ah sidii aynu masiirkeena uga tashan lahayn maaha shir nabad diidan, ee waa shir danta ummada jecel
iyo wada jirkooda waana shirkiii beesha oo kala raagta ay kaga wada hadli doonaan waxa ay fikir qabaan,cid kasta oo shirkan ka soo qayb kali kartaa waa uu u furan yahay”.

Geesta kale Caaqil Aabi Xasan ayaa isaguna ka hadlay shirkan iyo hadafka loo qabtay iyo arrimaha lagaga hadli doono Marka la gaadho Taariikhda loo asteeyey inuu Furmo. “Dadkuna in Ay shiraan oo Danahooda is waydiiyaan oo ducaystaan oo is arko,waa wax ku waajib ah markasta waxaana ay dhashaa sharaf iyo
wanaag,shirka ka dhici doona salaxlay  ee reerku leeyahay ee lagu bilaabayo ducada,waanu soo dhawaynaynaa waanu tageersan nahay,shirkanina kaas ayuu gogol xaadh u yahay,wixii inoo raacana waynu ku darsan doonaa,danta reerka ayaa shirkan lagu gorfayn doonaa waanan soo dhawaynaa inta shirka inoo qabatay.
Sidoo kale Caaqil Aabi wuxuu Mahadnaq u diray Cid kasta oo Kaalin ku lahayd in Kulankan lagu Shaacinayo Shirweynaha Beesha Abokor Muuse ka qayb qaadatay Waxaanu intaas ku daray in Shirkan Gudo iyo dibadba la isaga yimaado ”Cid kasta oo beesha ahi in ay ka soo qayb gasho  ayaa waajib ah si
looga hadlo danta ay beeshu leedahay oo loo jeelanaa,siyaasad ahaan mawqif
ahaan iyo beel ahaanba,danta beesha in aynu midayno ayaan rabnaa”.

Caaqil Cabdi Jaamac Cawaale ayaa  Tilmaamay in Shirweynaha Talo-Wadaag ee beesha Abokor Muuse ee Ciidagale uu yahay Shir caafimaad qaba ”Shirkani maah mid cid lagu cumaynayo,waa mid beeshu kaga hadlayso danteeda u khaaska ah,deegaankeeda,waxaana uu dhici doonaa wakhtigaas la jideeyay,waxaanu
ummada u sheegaynaa shirkaas oo ah Shir caafimaad qaba ah cidii danaynaysaa in ay si wanaagsan u ogaato oo ka soo qayb gasho”.

Dhanka kale Caaqil Maxamed Weerar ayaa xusay in Qabashada Shirkani uu Shin
dhaafay mudo dheerna beeshu isu iman.
Salaadiin Caaqil iyo Gudida Qaban-Qaabada oo Madasha Hadalo iskaga Daba Maray ayaa ku dheeraaday Muhiimada uu shirkani leeyahay waxaana ay cadeyeen inuu noqon Doono Shir kulmiye Hal-doorka  Beel-weynta Abokor Muuse ee Ciidagale Isla markaana lagaga Tashan doono Tashan doono Midnimada iyo Wada Jirka beesha Waxayna ugu baaqeen Jaaliyadaha dibada ku nool ee Beesha Abokor Muuse in Sidii caadada u ahayd ay ka soo qayb galaan Shirkaas.