“Aniga Oo Xildhibaan Qaran Waxa, La Igala Xishoon Waayey Shacabka Masaakinta Ma La Gala Xishoonaya”

0
587

Picture3

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada ayaa sheegay inay khalad iyo Sharci daraba tahay in Askarigii khalad iyo saxba wax ku dila in la yidhaahdo hawl Qaran ayuu fuliyanayey, waxaanu ku baaqay in sharciga loo sinaado.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile, ayaa isaga oo Wargeyska Geeska Afrika u waramaya sidoo kale sheegay in isaga oo Xildhibaan Qaran ah oo magac iyo maamus leh la dulmiyey, “Askariga khalad iyo sax wax ku dilaba  labadaba la odhanayo qaranka ayaa qaba, waa khalad, oo nin askariya, oo si badheedh ah wax ku dilay, waa in Maxkamada la saara oo sharciga la mariyaa, haddii kale khaladaadkani wey sii fidiyaan, balse haddii Askariga qorigiisa uu sharciguu uu qaban waayo waxa dhacaysa in wax walba oo Askarigu ku dhiirado, xaqna maaha in qaran dhan uu yidhaahdo Askari gefay waan difaacaya, dastuurka qaranka iyo shareecada islaamka midna dhigi maayo”.

Xildhibaan Maxamed Faarax Qabile ayaa mar uu ka hadlaayey sharci daro isaga lagu sameeyey ayaa yidhi “Anigu XIldhibaan baan ahay dil toogasho ayaa yimid sida ay doontaba ha ku dhacdee, markaas aniga oo Xildhibaan qaran waxa la igala xishoon waayey  Shacabka masaakinta ma lagala xishoonaya, waa maya jawaabtu, waxaana haboon in mar kasta lagu dadaalo in la ilaaliyo sharciga.”