Shirkadda Dahab Shiil: Hantiile U Adeega Somalida Qurbaha Degen

0
253

Dahabshiil

Waxannu halkan ku soo koobeynaa waraysi dhinacyo badan taabanaya oo qoraaga Katrina Manson la yeelatay Maamulaha Guud ee Shirkadda Dahabshiil, Cabdirashid Maxamed Siciid, kuna soo baxay 24 May 2011, wargayska Financial Times, oo ah wargayska ugu caansan ee ka faallooda arrimaha ganacsiga oo ka soo baxa dalka Ingiriiska. Iyada oo qoraagu ka sheekaynayso sida Maamuluhu ula soo kacaamay ganacsiga shirkadda Dahabshiil ee caalamiga ah iyo sooyaalka u gaarka ah koboceeda, waxa ay ku bilowday:

 

Isaga oo siddeed jir ah ayuu dugsiga dhakhso u dhamaynayey si uu gacan uga geysto iibinta macdaar yar oo qoysku ku lahaa Burco oo iibin jirey dhar, kabo, daqiiq, sonkor iwm.

 

Maanta waxa uu u kala gooshaa, oo wakhtigiisa u kala qaybiyaa London iyo Hargeisa, caasimadda Somaliland, isaga oo ah Maamulaha Guud ee shirkadda caalamiga ah ee Dahabshiil oo lacagaha ka bixin karta ilaa 24 000 oo goobood oo ku kala yaalla ilaa 144 dal. Waxa kale oo shirkaddu siisaa maacaamiisheeda adeegga Debit Card’ka, waxayna leedahaya nadaam lagu abaalmariyo macmiilka, laguna wargeliyo xilliyada lacagi u timaaddo ama mid uu diray la bixiyey (SMS). Waxa dhawaan la filayaa in albaabada loo furo baanka caalamiga ah ee Dahabshiil (Dahabshiil Bank International) oo noqon doona kii u horreeyey ee si buuxda oo caalami ah uga hirgala gudaha, haddana uu dhismahiisu socdo.  

 

“Yaraan baan ku bartay sida loola dhaqmo dadka waaweyn – xilli saaxiibbaday … kubbad ku maqan yihiin, waayo waxa madadaalo iyo maaweeloba iigu filnaa dukaanka iyo adeegga iibinta ee aan dadka iga waaweyn kula macaamilayey,” ayuu yidhi Cabdirashiid.  Baabuurka aabbihii waxa uu ku kexeeyey isaga oo 13 jir ah. “Waxa aan anigu ku dherersan jirey dadka kale ee aabbahay la shaqaynayey si aan u muujiyo inaan waxtar iyo adeegeba u ahay isaga,” ayuu ii sheegay Cabdirashiid, isaga oo iigu waramayey beerta huteel weyn oo Nairobi ku yaalla.

 

Afartan sannadood ayay Shirkadda Dahabshiil ku noqotay ganacsi caalami ah oo adeegsata tiknoolajiyadda u dambeysey adduunka. Dhulalka Soomaalida ee shirkaddu ka shaqaysaa ma wada khatar la’a.  Abdirashid waxa uu qabaa in badbaadada shirkaddu – tan Alle ka sokow – ku fadhido habdhaqanka ka dhexeeya shirkadda iyo macaamiisheeda.

 

“Waxannu ka shaqaynaa ‘lacag aan xuduud lahayn’. Macaamiishayadu waxay noo arkaan inanu ka mid nahay oo la mid nahay. Lacag ayaannu u keennaa ee hub iyo qori uma keeno. Sidaas ayay iyana noo ilaashadaan oo noogu ixtiraamaan.”

 

Shirkaddu waxay ku hano qaadday iyada oo aanay seegin fursado badan oo soo maray  shirkadda oo ka unkamay waayaha guud ee dhulalkii Somalia la isku odhan jirey ku habsaday, oo u beddeley ganacsigii aabbihii ee Cabdirashiid toddobaatanaadkii ka shaqaynayey  ganacsi heer caalami ah.

 

Sheekada shirkadda iyo hanaqaadkeedu waxa ay la mid tahay tan guud ahaanba Soomaalida. Dagaal iyo ganacsi ayaa Soomaalida markii hore u kala firdhiyey waddamada ay ka midka yihiin Yaman, Imaaraadka Carabta iyo Khaliijka intiisa kale. Intii ka dambeysey 1991kii, ilaa hal malyuun oo Soomaali ah ayaa ku kala baahay Bariga Dhexe, Australia, Yurub iyo Maraykanka Waqooyi.

 

“1991kii intii ka dambeysey Soomaaliyi siday u badan tahay way barakacday, oo deegaan-beddel ayaa dhacay,” ayaa Cabdirashiid yidhi. “Aniga iyo qoyskayagu ka mid baannu ahayn dadkaa barokacay. Sidaa darteed, wax badan baan kala mid ahay oo aan fahmayaa meelaha ay ku nool yihiin, waayahooda, sida loo wada xidhiidhi karo iyo sida u habboon ee loogu adeegi karo.”

 

Shirkaddu si tartiib ah oo la fahmi karo ayay ku hano-qaadday. Xaaji Maxamed Siciid, Cabdirashid aabbihii, waxa toddobaatanaadkii dukaankiisu u baahnaa in dharka u casrisan ama kabaha u dambeeyey laga helo, oo u baahan lacag adag. Meesha u dhow ee laga helayey agabkaa waxay ahayd Yaman. Dadka debedda joogaana waxay u baahnaayeen cid dadkoodii ay kaga yimaaddeen Burco (iyo meelaha kale ee gudaha ah) gaadhsiisa biilasha. Lacagta debedda lagu bixiyey ee bucshurada lagu soo gaday ayaa loo-soo-diruhu si dhib yar uga helayey gudaha. Sarrifka labada lacagood u dhexeeya ayaa labada dhinac isku aamineen maadaama aan midna faa’iido mooyee, khasaare joogin.

 

Cabdirashid waxa uu xusuustaa maalintii halka ay degganaayeen la isla soo galay ee dagaal ka aloosmay. Taasi waxay kelliftey in reerkoodii oo dhami miyiga iyo hawdka u qaxo. Xadka markii ay gaadheen, ayaa Xaajigu waxay is heleen dad badan oo la’aa meel ay dadkooda lacag u mariyaan ama iyaga loo soo mariyo. Maadaama aan dadku badiba ku kalsoonayn lacagta shilin Soomaaliga ah ee aan sarrifkeedu saldhigayn, waxa xawaaladihii ku hanoqaadday Dollar’ka Maraykanka oo marna khidmad galay, marna sarrif.  Ilaa maanta nadaamkaas ayaa shirkaddu ku shaqaysaa.

 

Xilliyo badan ayaanay dhib yarayn in lacago la isaga gudbiyo dalal kala duwan iyada oo dalalka qaarkoodna ka leeyihiin qawaaniin aad u adag. Waxay ahayd mushkilad kale oo ka hor timi fiditaanka iyo sii-balladhinta shirkadda. Markii Cabdirashiid, isaga oo dhawr iyo toban jir ah, uu xafiiskii u horreeyey ee shirkadda ee Yurub ka furay Bariga London, waxa uu la kulmay qaab-hawleed ka geddisan kii uu hore uu yaqaaney.

 

Sharciga Ingiriiska ka jirey ayaa dhigayey in meheradaha noocan oo kale ahi yeeshaan xisaabiye, looyar, baan caalami ah oo lala xidhiidho, iwm. Sidaas oo ay tahay, waxa uu haddana Cabdirashiid  ku guulaystay inuu hawlgeliyo dadkii muhimka u ahaa hawsha, uuna muddo yar ku barto sida shirkaddu uga hawlgeli karto 12 dal oo Yurub ku yaalla si sharciga waafaqsan, uguna sii fidi karto adduunka intiisa kale.

 

Shirkadda Dahabshiil waxay noqotay mid ku caanbaxday ku-dhaqanka shuruucda aasaasiga ah, taas oo macaamil badan u soo jiiddey. Cabdirashid waxa uu aad hoosta uga xarriiqay inaan shirkadda Dahabshiil la dhex marin oo aanay sinaba u oggolayn hanti shaki leh oo, tusaale ahaan, lagu maalgelinayo  budhcadbadeed ama aragagixiso.

 

Wadashaqaynta wiil iyo aabbihii waxay u tanaadday oo u taabbogashay sidii ugu tamar iyo tayoba roonnayd. Cabdirashiid, Maamulaha Guud, waxa uu culayska saaraa Hawlaha shirkadda ee waddamada reer galbeedka, halka Xaaji Maxamed, oo haatan ah Guddoomiyaha Shirkaddu, u badan yahay arrimaha Afrika ee shirkadda. Istaraatajiyadda guud ee shirkaddu ku shaqaysaa waxa ay u horseedday in shirkaddu miridho gudaheed lacago ugu kala diri karto adduunka intiisa badan. Waxa shirkaddu hawlaheeda u adeegsataa tiknoolajiyooyinka u casrisan ee lagu wada xidhiidho ee ay ka midka yihiin facebook iyo Twitter oo ay weheliyaan horumarinta iyo fidinta ka socota shirkadaha kale Dahabshiil ee ay ka midka yihiin baanka iyo isgaadhsiintu.