Shirguddoonkii Shirweynaha KULMIYE Oo Difaacay Go’aankoodii Ay Hogaanka Xisbigu Ku Gacan Saydheen

0
648

Picture2Hargeysa(Geeska)-Shir-gudoonkii Shirweynihii Saddexaad ee Xisbiga Kulmiye ayaa si adag u difaacay Sharcinimadda liisaska Golaha dhexe iyo Guddida fulinta ee ay ku dhawaaqeen. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami oo ah Guddoomiyihii Shirgudoonka Shirweynihii  Kulmiye ayaa sheegay in ay ka xun yihiin hadal  ka soo yeedhay Hogaanka sare ee Xisbiga Kulmiye, waxaanu yidhi “Way naga reeban tahay in aanu caytano oo aanu is qab-qabsano,Sida caalamka oo dhami  ka siman yahay Guddi loo  doortay Shir-gudoon Awooda ay leedahay waxa ay ku kooban tahay wax walba oo ka soo baxay Shirweynihii Xisbiga ee go,aamo ah in ay habayso oo dabeed ay u soo gudbiso, cida ay khusayso ee ay ugu horayso Hogaanka Xisbigu, hawlaha kale ee aanu uruurinaynay waxaa ka mid ahaa Liisaskii ay soo gudbiyeen Ergooyinkii Shirku, hawshaasi kumay dhamaanayn Laba Cisho iyo wax ka badan toona hawshaa aanu qabanayna wax kale oo dheer kumaanu darsan waxa aanu ku dadaalnay in aanu  markii aanu dhamaystirnay in aanu u gudbino cida ay khusayso arrinku,sidaas ayaanay hawshu nagaga dhamaatay,wax kasta oo aanu qabanayna waa wax waafaqsan xeerka Xisbiga Kulmiye”.

Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada Somaliland Maxamed Muuse Abees oo isna ka hadlay shirkaa jaraa’id ee ay qabteen Shirgudoonka Shirweynihii Saddexaad ee Xisbiga Kulmiye ayaa yidhi “Guddidayadani waa Guddidii lagu doortay Shirweynihii Saddexaad ee Xisbiga Kulmiye,Shirweynaha Xisbiga waxa lagu soo dooranayaa Hogaanka Xisbiga  waxa labaad ee lagu dooranayaa waa Xubnaha Golaha Dhexe ee Xisbiga, sidoo kale waxa lagu dooranayaa Ansixinta Barnaamijka Xisbiga,Go,aankii aanu ku shaacinay Liiskii Golaha dhexe iyo guddida fulinta Muuse Biixi waxa uu ku tilmaamay beentii qarniga,Aniguna waxaanu leenahay waa runtii qarniga,halka guddida fulinta lagu dooranayo ee lagu ansixinayaana waa Shirweynaha Xisbiga, wax khilaaf ah oo immika jiraan ma jiro,wax kasta oo Shirweynihii lagu Ansixiyay ama lagu doortayna cadaymahoodii ayaa la hayaa,waxa Guddidaydani lagu aaminayaa qof waliba waxa uu yahay Kulmiyena laba ma kala aha Muuse Biixi iyo Madaxweyne Siilaanyana waa mid qudha ee laba ma kala aha,Guddidayadan iyo Hogaanka Kulmiyeba, Madaxtooyada looga wada taliya”.