Shir Sanadeedka Jaaliyadda Itoobiya Ee Somaliland Oo Lagu Qabtay Hargeysa

0
532

Picture3Hargeysa (Geeska) – Safaaradda dawladda Federaalka Itoobiya ku leedahay Somaliland iyo xafiiska jaaliyadaha reer Itoobiya ee Somaliland ku dhaqan, ayaa Khamiistii doraad Magaalada Hargeysa ku qabtay shir sanadeedka Jaaliyadaha Itoobiya, waxaana ka qayb-galay safiirka Itoobiya, Madaxa xafiiska Jaaliyadaha reer Itoobiya iyo dhowr boqol oo ka mid ah qoomiyadaha Oromada, Ahmara iyo Soomaalida Itoobiya.

Shirkan oo qaatay muddo dhowr saacadood ah, ayaa Safiirka dawladda fedaraalka u fadhiya Somaliland Brigader General Berhe Tesfaye ku soo bandhigay waxqabadka xafiiskiisa iyo hawlaha uu u qabto jaaliyadda reer Itoobiya ee Somaliland ku dhaqan, halka Madaxa Xafiiska Jaaliyadda Itoobiya, uu halkaasi ku soo bandhigay waxyaabihii u hirgalay xafiiskiisa mudadii uu shaqeynayey, iyada oo sidoo kalena si dhamaystiran shirkaasi loogu dhisay guddida jaaliyadda isla-markaana loogu codeeyay shakhsiyaad lagu kaabay. Wuxuu safiirku ka hadlay sida ay muhiimka u tahay inay isku duubnaadaan safaarada Hargeysa iyo jaaliyadu, markaas oo uu sheegay in isku duubnimadi midho dhali karo islamarkaana ay waxyaabo badan ka wada shaqayn karaan.

Dhanka kale, safiirka dawladda Federaalka Itoobiya u fadhiya Somaliland Berhe Tesfay, ayaa xubnaha jaaliyadda ee shirkaasi ka soo qayb-galay ay waydiiyeen su’aalo badan oo la xidhiidha shaqada safaaradda iyo cusboonaysiinta Baasaaboorka Itoobiya iyo weliba dhibaato jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan Somaliland ka muujiyeen xuduudka Itoobiya mararka ay doonayaan inay dib ugu laabtaan Itoobiya.

Safiir Berhe Tesfay, oo ugu horeyn ka jawaabaya su’aal laga waydiiyay inay cusboonaysiiyaan Baasaaboorka Itoobiya ama fiisiiyeen ayaa yidhi “Xafiiska Safaaaradda Itoobiya ee Somaliland ka jiraa Baasaaboor ma bixiyo, baasaaboorna ma cusboonaysiiyo, sababta oo ah hawshaa muu galin weli, awooddaana maanta malaha, laakiin wakhtigeeda ayay iman, laakiin inaad taa ogaataan ayaan doonayaa inaad ogaataan”

Berhe Tesfay, waxa uu sheegay in baasaaboorka ka sakow jaaliyadda looga baahan inay qaataan warqadda uu bixiyo xafiiska Jaaliyadda Itoobiya ku leedahay Hargeysa, isaga oo sidoo kalena ka hadlay dadka Soomaalida ah ee kumanaanka doolar ku iibsada Baasaaboorka Itoobiya “Qofka maxaa inuu reer Itoobiya yahay lagu caddaynayaa, jaaliyad ayaad leedihiin, taa macnaheedu waa nin kasta oo reer Itoobiya ah ama dhalasho ahaan Itoobiya ka soo jeeda uu qaato kaadhka Jaaliyadda, taasaa aqoonsi u ah inaad reer Itoobiya tahay, laakiin Wixii aad safaaradda uga baahataan way idin soo dhaweynaysaa” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Annagu waxaanu ognahay inaad wixii aad xaqa u leedihiin aad lacag ku iibsataan, oo baasaaboorkii ilaa $ 2000 doolar (La gaadhsiiyo), Itoobiyaan-nimadaada inaad lacag ku badasho maaha, ee waa inaad adigu xaqiijisaa”

Safiir Berhe Tesfay, oo sidoo kale ka jawaabaya su’aal laga waydiiyey inay dhaqaale u hayaan qofkii doonaya inuu dalka Itoobiya ku noqdo ayaa yidhi “Qof kasta oo reer Itoobiya ah oo doonaya inuu ku noqdo dalkiisii hooyo, xafiis ahaan wixii laga caawin karo waa laga caawinayaa, laakiin waxa meesha ku jiraysa in bajad ama Miisaaniyad xafiiska Jaaliyaddu leedahay ama bulshadu leedahay oo dadkaa lagu celinayaa aanu jirin, qofkii iskii u noqonaya wixii tabaabulsho ah waa loo samayn karaa” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Nin idinka (Jaaliyadda) ka mid ah ayaa yidhi markaanu halkaa (Itoobiya) tagno waanu baqanaa, ama waa lagu waayayaaba, ninka baqanayaa muxuu ka baqanayaa, haddii aanad adigu dhibaato wadin inaad waddankaagii ku noqoto wax kaa hor joogsanaysaa ma jirto, haddii dhibaatooyin ay jiraan annaga xafiiska noogu kaalaya oo noo sheega, gobolka Soomaalida ha noqoto, dawladda dhexe ha noqoto, idinka oo meehsii sharci ku tagay haddii la idin dhibayo annaga noo kaalaya oo noo sheega waana in la xaliyaa, laakiin nin waddankiisa tagay oo haddana baqasho ku lamaan tahay annigu taasi ima raali galin”

Safiirka iyo jaaliyadda ayaa si weyn isula qaatay inay isku duubnaadaan, waxaanay jaaliyadani ka kala yimaadeen magaalooyinka Hargeysa, Burco, Borama iyo meelo kale si ay uga qayb galaan shirkan.

 

arooba sidii dhalinteena oo ah labeentii dalkeena loo badbaadin lahaa, loogana wacyigalin lahaa inay Tahriibta ka dhawrsadaan, qaran ahaana aan dib ugu dawayn lahayn nabadarda ay tahriibtu u gaysatay bulshadeena”