Ciidamada AMISOM Ee Somaliya Oo La Kordhinayo

26
535

Picture2QM(Geeska)-Sida uu qorshaynayo xoghaya guud ee Qramada Midoobey Ban Ki-Moon, waxa haatan loo baahan yahay ilaa 4,500 oo askari oo dheeraad ah oo ku biira 18,000 ee horeba halkaasi u joogey, lana dagaallamaya ururka al-Shabaab ee Soomaaliya.

Xoghaya guud waxa uu ku doodayaa in ciidamadani dheeriga ah looga baahan yahay in la sii xoojiyo guulihii ciidamada nabad-ilaalinta ee AMISOM ee Soomaaliya ay hore uga gaadheen la dagaallanka Al-shabaab, si aanay ugu suurtogelin in Al-Shabaab ay dib u soo kaaban karaan oo ay u soo noqon karaan. Isla markaasina in la wiiqo guud ahaan awodda Al-Shabaab oo aanay u suurtogeli karin inay mar kale geystaan xataa weerarro kale oo la mid ah kii magaalada Nairobi ee Westgate oo kale.

Baaqani imika ee qaramada midoobay waxa uu la mid yahay ku-dhawaaqis dagaal ku waajahan Al-Shabaab, oo caalamka iyo Afrika gudaheedaba looga arko ururka ugu khatarsan ururrada xagjirka ah ee islamiyiinta ah.

Ciidamada AMISOM

Xogahaya guud ee QM waxa uu ku baaqayaa haddii aan la helin kharashyo dheeraad ah oo lagu sii badhitaageero ciidamada nabadilaalinta AMISOM ee UN maalgeliso, in taasi ay keeni karto khatar ah in Al-Shabaab ay dib madaxa ula soo kacdo, ayna geysan karaan weerarro kale dalka gudihiisa iyo debaddaba ah.

Ilaa labadii sano ee ugu danbeeyey ayaa  AMISOM u suurtogashay inay Al-Shabaab ka saaraan meelo badan oo muhiim ah oo hore ururkaasi u haystey, haba ugu badnaadaan magaalooyinka waaweyn ee gobolladu, gaar ahaanna labadii magaalo ee ugu waaweynaa ee Al-Shabaab ay ku tiirsanaayeen.Hasse ahaatee Al-Shabaab waxa muuqata inay wax ka bedeleen xeeladihii dagaalka, oo ay ka warwareegeen inay dagaal toos ah oo fool-ka-fool ah la galaan ciidamada Afrikaanka ee nabad-ilaalinta. Waxayse u bedeleen dagaallo dhuumaalaysi oo ah ku-dhufo-oo-ka-dhaqaaq ah.

Ka sakow ciidamada dheeraadka ah oo kharshkooda uu ku sheegay Xoghayaha Guud inay bixin doonaan dalalka qaniga ah ee xubnaha ka ah QM, Ban Ki-Moon waxa kale oo uu sheegay in ciidamada AMISOM ay u baahnaan doonaan oo kale diyaaradaha dagaalka milateri ee loo yaqaanno helicopter-rada, kuwaasi oo uu ka codsaday inay ku yaboohaan dalalka Afrika iyo kuwa kale ee caalamkuba.

Comments are closed.