Shimbirkii Dad Qaadka Ahaa Oo Soo Gaadhay Salaxlay, Weerarna U Gaystay Gabadh 7 Jir Ah

0
832

Hargeysa(Geeska)-Shirmbirkii dad qaadka ahaa ee deegaanada Gaashaamo ee Soomaalida Itoobiya ku laayay carruurta, ayaa u muuqda inuu u soo gudbayo Somaliland.

Gorgorkan ayaa shalay wuxuu weerarkii u dambeeyay barqadii ku soo qaaday gabadh yar oo adhi la joogtay duleedka degmada Salaxlay.

Taliyaha ciidanka Booliska Salaxley Cabdi Maxamed , ayaa telefishanka Eryal u sheegay warkan, waxaanu sheegay in gabadha yar laga badbaadiyay shimbirkaas weerarka ah, “Dad baanu waraysanay, halka barakaca salaxlay ayaanu tagnay waxaanay noo sheeegen inuu soo weeraray gabadh yar oo 7 jir ah oo adhi la joogtay ka dib dadkaa ku dhowdhowaa ilaa dhawr iyo toban qof oo meesha joogay way xaqiijiyeen, waxba muu yeelin waana laga gaadhay, ulo ayay dadkii barakacu qaateen ka dib cabaar ayay nagu dul wareegeen ayuu yidhi markii dambena wuu naga tagay.”

Hooyada dhashay gabadhan yar ayaa iyaduna sheegtay inuu shimbirku soo weeraray gabadha yar oo aan markaas iyada ka fogayn, “Inantii yarayd oo ka soo cararaysa ayaa gabadhi aragtay waanay qaylisay markay aragtay bahalkii oo lugaha soo laaladiyay, inantii yaraydna way soo carartay, waanu soo dul cararay markii lagu qayliyay ayuu sidii wax kor u yara kacaya iska dhigay. Aniguna waan u imid, Geed ayaanu wada hoos istaagnay ilaa rubuc ayuu na dul taagnaa oo uu haddana dib ugu noqday halkii inanta yari ka soo carartay.”

Geesta kale qoys xoolo dhaqato ah oo sida baraha bulshada lagu baahiyay degen deegaanka Waraabeeye ee gobalka Togdheer ayuu barqadii shalay soo weeraray.

Laakiin raggii markaas guriga joogay ayaa rasaas oodda kaga qaaday gorgorkaas oo aan wax khasaare ah gaysan, waxaanay dadka deegaankaasi sheegeen inay gorgorka weheliyeen shirmbiro tiro badan. Bashiir Xaaji Ibraahim oo warkan ku baahiyay barta uu ku leeyahay facebook ayaa sheegay in shimbirkaasi cabsi ku hayo dadka deegaankaas.

Mid ka mid ah shimbirkan ayuu wiil geeljire ahi toddobaad ka hor ku dilay deegaanka gaashaamo ka dib markii uu soo weeraray, sidoo kalena ciidamada ammaanka ee Liyuu Booliska ayaa iyaguna gacanta ku dhigay mid ka mid ah shimbirkan. Laakiin weli wuxuu shimbirkan dadka qaadka ahi deegaano kala duwan oo Itoobiya iyo Somaliland ah ka wadaa weeraro joogto ah, waxaanu u muuqda inay yihiin shimbiro tiro badan oo u baahan in qorshe balaadhan lagaga hortago weeraradiisa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here