Shilalkii Ugu Dhimashada Badnaa Ee Inta La Og Yahay Ka Dhacay Xaramka Barakaysan Xilliga Xajka

0
804

Picture6Riyaad (Geeska)- Shilkii dhowaan ka dhacay xaramka barakaysan ee Makkah oo ay ku naf waayeen 107 ruux oo ka mid ah xujaajtii sannadkan 2015ka isu diyaariyey in ay gutaan waajibaadka xajka, isla markaana ay ku dhaawacmeen 238 ruux, waxa uu dad badan maskaxdooda ku beeray in ay su’aal iska weydiiyaan bal in shilkan kuwo kale oo la mid ahina ay soo mareen Xaramka xilliga ay dadku xajka u joogaan. Haddaba qormadan waxa uu Geeska Afrika akhristayaashiisa ugu soo gudbinayaa qormo uu degelka Mamlaka Press ka sameeyey dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee inta la xasuusto ugu dhimashada badnaa ee xaramka ka dhacay:

1. Sannadkii 1975kii:

Dab aad u weyn oo ka kacay taandhooyin ay dadka xajayaa deggenaayeen oo u dhowaa magaalada Makkah, waxaana ku naf waaya 200 oo qof. Qaraxani waxa uu ka dhashay haan gaas ku jirto oo qaraxda, waxa aanu si dhaqso ah ugu faafay taandhooyinkii ay xujaajtu deggenaayeen.

2. Sannadkii 1987:

Ciidamada Ammaanka ee dalka Sucuudiga ayaa xoog ku kala kaxeeyey mudaharaad mamnuuc ahaa oo ay xaramka gudihiisa ka dhigeen xujaajtii sannadkaas ka socotay dalka Iiraan, iska hor imaad dhex maray ciidamada ammaanka iyo dibad-baxayaashaas ayaa waxaa ku naf waayey 402 ruux.

3. Sannadkii 1990kii:

Is-cidhiidhi ka dhacay mid ka mid ah jidadka Mina oo dhulka hoostiisa, waxaana jiray warar xooggan oo sheegayey in nidaamkii hawada keenayey jidkan uu xumaaday, waxaana shilkaas ku dhintay Kun Afar boqol iyo Labaatan iyo Lix Xaaji (1’426).

4. Sannadkii 1997kii:

Dab weyn oo ka dhashay kululeyso gaas ku shaqaynaysay ayaa ku faafay taandhooyinkii xujaajtu deggenayd waxaana ku naf waayey Saddex boqol, Afartan iyo Saddex Xaaji, halka uu dhaawacuna ahaa Kun iyo Shan Boqol oo Xaaji.

5. Sannadkii 2004ta:

Is-cidhiidhi ka dhashay tirada xad dhaafka ah ee xujaajoo Mina ka dhacay maalintii koowaad ee dhagax-tuurka sannadkii 2004ta ayaa waxaa ku dhintay 244 ruux.

6. Sannadkan 2015:

Maalin Jimce oo ahayd gelinkii dambe ee 11kii September 2015ka ayaa roobab dabaylo aad u xooggan watay oo ka dhacay Xaramku waxa ay dusha sare ka soo rideen mid ka mid ah wiishashka xoogga badan oo ka mid ahaa qalab lagu fulinayey ballaadhin lagu samaynayey xaramka oo xajka dartii loo yara hakiyey. Wiishkaasi waxa uu ku soo dhacay meel u dhow kacbada gaar ahaan maqaam Ibraahiim waxaanu dilay 107 Xaaji halka dhaawacuna ka noqday 238 xaaji.