Shikadda Daabacaadda Buuggaagta Ee SAGAL JET Oo Si Weyn Uga Qeyb-Qaadatay Carwada Bandhiga Buuggaagta

0
439

Picture2Hargeysa(Geeska) :-Shirkadda daabacadda buuggaagta ee Sagal Jet, ayaa si weyn uga qeyb qaadatay bandhiggii carwada buugaagta ee Hargeisa International Book Fair. Iyada oo ku soo bandhigtay buugaag aad u tiro badan oo ay ku daabacday dalka gudahiisa.

Bandhiga carwada caalamiga ah ee Hargeysa oo shalay laga furay magaalada Hargeysa, ayaa ay shirkadda Sagal Jet, waxaa ay ka muujisay wacdarro aad u weyn oo ku soo bandhigtay dhigtay qaar ka mid ah buugaagta ugu qiimaha badan ee lagu soo bandhigay carwadaas oo ay ka mid ahaayeen  buug laga qoray taariikhda Xaaji Cabdi waraabe, Faarax Oomaar, Maxamuud Axmed Cali, Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye, Ibraahim Gadhle, Cabdi Qays, Xasan Ganey iyo kuwo kale oo badan.

Muna Axmed Cumar oo ah sarkaalad ka tirsan shirkadda Sagal Jet, ayaa sheegtay in ay shirkaddu mar walba u taagan tahay siddii ay wax ula qaban lahaayeen bahda qalinka iyo qoraalka isla mar ahaantaana ay u soo dhaweynayaan qof kasta oo wax qori kara iyada oo aanay shirkaddu wax culays ah saari doonin, waxaana ay intaas ku dartay in ay bahda qoraalka ka caawin doonaan dhinacyo badan oo ku saabsan buugaagta ay qorayaan.

Murashaxa madaxweynaha xisbiga Ucid Aqoonyahan Jamaal Cali Xuseen oo booqday edega ay shirkadda Sagal Jet ku soo bandhigtay buugaagta, ayaa carabka ku dhuftay in ay shirkadda Sagal Jet ay hawlo badan oo muhiim ah u fududaysay bulshada Somaliland ku waasi oo loo tegi jiray dalka dibaddiisa.

Ugu danbeyntiina dadkii ka soo qeyb-galay carwadaas ee booqday edega ay shirkadda Sagal Jet ku soo bandhigtay buugaagta, ayaa dhammaantoodba aad ugu bogay qaabka quruxda iyo bilicda san ee shirkadda Sagal Jet ay u daabacday buugaagta, waxaana ay ku hambalyeeyeen dedaalka ay ugu jiraan siddii ay bulshada uga kaafiyi lahaayeen baahiyahii ay hore ugu aadi jireen dalka dibaddiisa.