Sheekh Soomaali Ah Oo Imaam Ka Ahaa Masaajid Ku Yaalla Maraykanka Oo Meydkiisa Laga Helay Magaaladuu Deganaa

0
443

USA (Geeska) – Alle ha u naxariistee waxaa Habeen hore Meydkiisa la helay Sheekh Maxamed Xasan Aadan oo ahaa imaamka masajidka Abuu Hureyra ee magaalada Colombus ee dalka Maraykanka, sidoo kalena ahaa Xoghayaha Golaha Imaamyada Waqooyiga Ameerika ee Ayanna.

Imaam Sheekh Maxamed Xasan ayaa laga waayay gurigiisa oo ku yaalla magaalada Columbus Ohio Arbacadii, sida ay sheegeen qoyska iyo xubno ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed.

Baadhitaano socday ku dhawaad 48-saacadood kadib ayaa dad xog ogaal ah u soo sheegeen dad madaxbannaan oo ka tirsan bulshada magaaladaas oo si mutadawanimo ah u baadhayey in Sheekh Maxamed ay gaadhigiisa ka heleen isgoyska Joyce iyo wadada 17-aad ee dhanka Waqooyi ee magaalada Columbus Ohio.

Baabuurka dhexdiisa ayaa laga helay meydka Imaamka la la’aa ee Sheekh Maxamed Xasan oo ay ku yaalaan dhowr xabbadood oo jidhkiisa ah.

Dadkii ayaa wacay 911 iyo Adeegga deg degga ee Columbus oo soo gaadhay goobtii.

Waxaana meeshii isugu soo baxay Soomaali badan oo ka dhiillaysan xaaladda.

Waxaana baraha bulshada laga arkayey qaar ka mid ah jaaliyadda Soomaalida ee halkaasi oo ku baaqaya in la isusoo baxo.

Sheekh Cabdalla Abul-Fadli oo ah imaamka masjidka Al-sunna ee magaalada Saint Paul isla markaana ay Sheekh Maxamed Xasan saaxiibbo dhow ahaayeen ayaa BBC-da u sheegay in goobtii laga helay maydka ay weli xidhan tahay booliska baadhista gacanta ku hayaana aanay weli wax faahfaahin ayna bixin.

“Aragtida hore waxaa soo arkay nin walaalaha ka mid oo raggii baadigoobka ahaa ka mid ah ayaa arkay oo dul istaagay baabuurka sheekha oo uu yaqaannay, kaddib booliska ayuu wacay oo meesha yimid, illaa haddana meesha waa xidhan tahay booliiska iyo hayadihii wax baadhayey ayaana jooga meesha” ayuu yidhi Sheekh Cabdalla oo ay is yaqaanneen sheekha dhintay.

Sheekh Maxamed Xasan Aadam ayaa la waayay Arbacadii 7-dii fiidnimo xilliga Geeska Afrika, waxaana markii ugu dambeysay lagu arkay Masjidka Al Hureyra.

“Waxa uu ahaa nin hoggaamiye ah, oo dabeecad fiican afgaaban oo sadaqo badan inta badanna arrimaha ijtimaacigaa ka shaqeeya ayuu ahaa. Sheekh Maxamed runtii waxa uu ka baxay umadda soomaaliyeed Jaaliyadda Maraykanka iyo Ummadda Islaamka ah. Waxa uu caan ku ahaa in uu dacwadda dadka aan islaamka ahayn gaadhsiiyo maaddaamo uu afaf badan ku hali jirey.” ayuu sii raaciyey Sheekh Cabdalla.

Sheekha ayaa sida oo kale sida ay sheegeen dadka deegaanku waxa uu qayb ka ahaa barnaamijyo dadka baahan cunto lagu gaadhsiinayey inta uu jiray xanuunka safmarka ah.

Halka sida oo kale uu qayb ka ahaa aasaasidda barnaamij ciyaareed oo dhallinyartu ka qayb qaataan oo isugu jirey gubadda gacanta iyo kubadda cagta “Weligay ma arag isaga oo leh maya shaqo samafal oo dadka loogu danaynayo” ayuu yidhi Cabdi Faarax oo ka tirsan qoyska sheekh Maxamed.

Dad badan ayaana janaaso ahaan ugu tukaday goobtii maydkiisa laga helay xilli ay socoto baadhista booliiska.

Waxaana dadku ay ku baaqayaan in ay u baahan yihiin jawaabo, xilli baadhista boolisku ay socoto.

Ohio waxay martigelisaa Soomaalida labaad ee ugu badan marka laga reebo Minneapolis ee Maraykanka. Imaam Sheekh Maxamed Xasan ayaa ahaa ganacsade caan ka ah bulshada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Columbus, OH.

Geeridiisu waxay noqon doontaa mid naxdin u leh qoyskiisa iyo Jaaliyadda Muslimiinta ee Columbus.

 

Geeska.net/Hargeisa Office