Siyaasi Aadan Dhoollayare Oo Sheegay In Xildhibaanada Wakiiladu Xaq U Lahayn Inay Maxkamadda U Gudbiyaan Dacwad

0
532

Hargeysa (Geeska) – Siyaasi Aadan Axmed Cilmi (Dhoolla-yare) oo ka mid ah Xisbiga Waddani, ayaa sheegay in aanay Xisbiyada Mucaaradku ka baqaynin furista ururrada siyaasadda, balse ay diidan yahay in wax la isku khaldo, waxaanu dhaliilay qaabka Madaxweynuhu uga hadlay Xeer 14 ee furista ururada siyaasadda.

Siyaasi Aadan Axmed Cilmi (Dhoolayare), oo arintan ka hadlay wuxuu yidhi “Arinkeenii wuxuu noqday qabyaalad, haddii sharcigii qof walba siduu jecel yahay u fasisho ama reerkoodu siduu jecel yahay u fasisho waxba inooma hagaagayaan, maalin dhawayd Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay Berbera, hadalka Madaxweynaha waxaan u arkaa digreeto cad, Madaxweynayaashana waxaa fiican waxyaabaha soo noqon doona in meel fagaare ah aanay ka jeedin, Madaxweynuhu laba arimood buu inoo sheegay oo mar wuxuu yidhi ururradii way furan yihiin, marna wuxuu yidhi go’aanka Maxkamadda ayaa laga war sugayaa, waa arrimo aad moodayso inay iska hor imanayaan, ta labaad Gole baarlaam baa is qabtay, nimankan Barlamaanka ee ku dacwinaya ururrada ha la furo, ee Maxkamadda geeyey, xaq uma laha inay Maxkamadda geeyaan, Guddoomiyaha Baarlamaanka isaga ayaa Guddoomiye ah, dhex ha ahaado ama dhinac ha ahaado wuxuu ku qasban yahay labada garab waxay isku qabteen inuu isagu Maxkamadda u gudbiyo, haddii ay dhici waydana Madaxweynaha ayaa xaq u leh inuu u gudbiyo, laakiin dhinac looma garsoori karo, taasina waa arrin khaldan”.

Mar wax laga weydiiyey waxaa ka jira in Xisbiyadu Mucaaradku ka baqayaan furista ururrada siyaasadda wuxuu ku jawaabay “Waxaan aaminsan nahay amarka illaahay mooye in Waddani soo baxayo, qadarka illaahayna ciddina ma dhaafi karto, anigu waxaan jeclaan lahaa Musharaxa Madaxweyne oo maalintii yidhaahda diyaar ayaan u nahay in ururradii la furo, waana aaminsan nahay inuu diyaar u yahay in ururrada la furo, calafkayagana waanu ka qaadaynaa, waxaana u arkaa in Musharax Cabdiraxmaan haddii ururrada la furo in aanay ciddina uga xaq lahayn inuu noqdo musharrax Madaxweyne, markaas sas laga qabaa ma jirto ee waxaan la isku khaldayo ayey dhibaato ka jirtaa..”

 

Geeska.net/Hargeisa Office