Sheekh Shariif: Waxa Loo Canaantay Sida Carruurta

0
955

 

sheekhNayrobi(Geeska)-Madaxweynaha dawladda Tamarta daran ee Somaliya Shariif Sheekh Axmed, ayaa niyad xumo iyo weji gabax kala huleelay kulankii ay golaha ammaanku toddobaadkii hore kula yeesheen magaalada Nayrobi, ka dib markii ay si adag ula hadleen.

Ilo xogogaala ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay inay xubnaha golaha ammaanku sida carruurta u canaanteen Sheekh Shariif, iyagoo u hogo tusaaleeyay inuu yahay nin lagu khasaaray. Sheekh Shariif oo sida ay ilahani sheegeen aan wax dood ah ka gelin eedaha iyo canaanta xubnaha golaha ammaanka waxa isna kulanka ku weheliyay guddoomiyihiisa Baarlamaanka Shariif Xasan oo ay si ba’an isu hayaan, kaas oo isna si la mid ah loogu canaantay. Sida ay xogahaasi tibaaxeen markii uu kulanku dhammaaday Sheekh Shariif dib uguma noqon Hoteelkii uu degenaa, waxaanu toos u tagay garoonka diyaaradaha ee Jomma Kenyata ee magaalada Nayrobi oo uu si toos ah Muqdisho ugaga gudbay, isagoo shaqaalihiisa iyo dadkii la socday ka codsaday inay shandada uga soo qaadaan hoteelkii uu degenaa. “Weji gabaxii ku dhacay wuxuu ka xishooday inuu Hoteelka dib ugu noqdo oo uu shandadiisa qaato.” Ayay xogahani yidhaahdeen.

Xubnaha Golaha ammaanku, waxa la sheegay inaan labatankii sannadood ee ay Somaliya qasnayd inaanay masuul keliya u  canaanan sida toddobaadkii hore Sheekh Shariif loo bah dilay.

Safiirka Ingiriiska u qaabilsan Golaha Ammaanka Mark Lyall Grant, ayaa sheegay in farriin cad la faray Sheekh Shariif, “Farriin cad ayaa loo diray Sheekh Shariif, si cad ayaana loogu sheegay inaanay taageerada bulshadu sii socon doonin.” Sidaas waxa yidhi safiirka oo shalay u waramay wakaaladda wararka ee AP.

Safiirka Marayakanka ee golaha ammaanka Susan Rice, ayaa iyaduna sheegtay inay labada Shariif kulankaas ku soo bandhigeen ceebahooda iyo dhaliisha uu midba midka kale u jeedinayo, taas oo ay sheegtay inay tahay wax laga xishoodo. “Golaha ammaanku wuxuu u sheegay in khilaafkooda oo saamayn ku yeelanaya mustabqalka dawladda ku meelgaadhka ah aanay bulshada caalamku sinaba u aqbali karin.” Ayay tidhi.

 Sheekh Shariif ayaa maalmahan ku mashquulsan soo bandhigidda guulo ay ciidamadiisa iyo kuwa AMISOM sheegeen inay ka gaadheen dagaalka ay kula jiraan Al-Shabaab, si uu bulshada caalamka ee taageerta ugu qanciyo inuu dedaal ku jiro.