Sheekh Shariif Oo Iftiimiyey In Farmaajo Olole Ka Dhiganayo Wada-hadallada Somaliland

0
930

Muqdisho (Geeska) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ku eedeeyay inay olole ka dhiganayso Wada-hadallada Somaliland.

Sheekh Shariif oo ka hadlay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay Shacabka Somaliland dhibaato gaadhay xilligii Taliskii Maxamed Siyaad Barre, laakiin ay Wada-hadallo la bilaabeen Xukuumaddiisii ku meel-gaadhka ahayd iyo Xukuumaddii Madaxweyne Xasan Sheekh, sidaasi darteed ay ka xun yihiin in xilligan Wada-hadalladii waxyaabo kale looga faa’idaysto.

Sheekh Shariif oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Walaalaheena Somaliland dhib baa ku dhacay, shalay markay xoroobeen iyagaa Calanka noo keenay oo midnimada noo keenay, Tabashadoodii in si siyaasi ah loo xalliyo ahay ahayd, laakiin looma xallin, haddana 1991-kii markii Burburkii yimid iyagoon joogin baa la tashaday, way isku tashadeen, Aniga iyo Madaxweyne Xasan labadii Xukuumadadood ee aanu hoggaaminaynay Wada-hadallo ayaanu la bilownay, ujeeddaduna waxay ahayd inaanu ka qancino wixii ku dhacay, Dadka Soomaaliyeed Shalay baahidii ay isku qabeen ayay isku qabaan, waxay isku yihiin ayay isku yihiin inay isku soo laabtaan, meel baa la soo gaadhsiiyey.”

Sheekh Shariif wuxuu sheegay inuu ka xun yahay in Olole laga dhigto Wada-hadallada ay Dawladda Farmaajo doonayso inay la yeelato Somaliland “Aad baanu uga xunnahay beryo dhawayd waxa dhacayey waxyaabo aan ku fiicnayn Dawladnimada, Dadka Soomaaliyeed iyo Taariikhdaba, Qadiyaddaasi waa Qaddiyad aan gali Karin Olole iyo in hawlo gaar ah looga faa’ideeyo, waa Qaddiyad aanay fiicanayn inay derisku soo faro-geliyaan, markaa Arrinta Somaliland waa Arrin Qaran, waxay u baahan tahay wakhti, waxay u baahan tahay fikir, waxay u baahan tahay in Dadka Soomaaliyeed isaga yimaaddaan, markaa waxaanu leenahay iyagana Ciddii Gacmaha kula jirtaa ha kala baxdo, Dadka Soomaaliyeed iyagaa shalay isku yimid oo heshiiyey.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu farriin u diray Raysal-wasaaraha Itoobiya oo uu ku eedeeyay inuu doonayo in Maamulo Somaliland, iyo Maamullada Dalka Soomaaliya “Dawladda (Farmaajo) waa loo ogol yahay inay Wada-hadal furto, laakiin weli Aragti Wada-hadal oo ku aaddan Arrimaha Somaliland ma hayno, keliya waxaanu maqalnay Madaxweynaha iyo Raysal-wasaaraha Itoobiya inay isku arkeen Itoobiya Madaxweyne Muuse Biixi, ka dibna lagu ballamay oo wax badan laga hadlay, waxyaabaha laga wada-hadlay waa waxyaabo keeni kara in la sii kala fogaado, xal in la raadiyaa waa wixii Dawladda loo sameeyay, laakiin wadiiqadaasi maaha wadiiqo fiican, xilligan la joogana waxa Xukuumadda laga rabaa inay sii xajiso wixii ay Gacanta ku haysay iyo hawlihii socday oo wada-hadalkii socday inuu sii socdo, Ciddii Ilaahay u qoray ka sii shaqayso, Annaga oo dhan baa ka wada qayb-qaadanayna, Dawlad-gobolleedyada iyo Dadka Soomaaliyeed oo dhan baa ka wada qayb-qaadanaya.”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya wuxuu ka digay Faro-gelin uu sheegay in Itoobiya ku hayso Somaliland iyo Soomaaliya, waxaanu Itoobiya u soo jeediyey inay faro-gelinta joojiso “Maaddaama oo deriskeena aanay kalsooni badan jirina kuma fiicna inay soo faro-geliyaan, markaa waxaanu rabnaa Walaalaheena Itoobiya inay ka Taxadiraan Arrimahaas. Annagu waxaanu rabnaa in Kalsoonidii la soo celiyo ee Dadka Soomaaliyeed iyo Dadka Itoobiya ka dhaxayn jirtay, laakiin in Maalin walba Arrimahayaga ay Itoobiya gacmaha kula jirto wax fiican maaha.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Annagu waxaanu is lahayn Ninkan meesha yimid (Abyi Ahmed) heshiis baa dhici doona, laakiin hadduu rabo inuu Somaliland-na Maamulo, halkana Maamulo (Soomaaliya), Jubbaland-na iyo Gedo Ciidan geeyo arrin fiican maaha. Haddii aad qabto inaad keligaa Muuse Biixi keeni karto waa hawl kale ee noo sheeg, laakiin annagu Muuse xidhiidh baanu leenahay, Dadka Waqooyi (Somaliland) xidhiidh baanu leenahay, waanu isku fiicanahay, waa Soomaali, waxaanu isku dirirnay annagaa naqaana, markaanu kuu baahano Annaga ayaa kuu yeedhanayna ee Adigu noo kaadi..”