Madaxweyne Biixi Oo Magacaabay Lix Masuul Oo Madax Ka Noqon Doona Mashruuca Berbera Corridor Ee Ay UAE Maalgelinayso

0
1979

Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi ayaa magacaabay lix masuul oo madax ka noqon doona mashruuca Berbera Corridor ee ay hay’adda Horumarinta ee Abu Dhabi ee dalka UAE maalgelinayso.

Warqad uu Madaxweyne Biixi 3 June u diray Abu Dhabi Fund for development oo aan saxaafadda loogu tallo gelin balse uu Wargeyska Geeska Afrika helay, wuxuu ku magacaabay lix masuul oo isugu jira khubaro injineero ah iyo kuwo maamulka iyo maaliyadda qaabilsan, waxaanu warqada nuqul ka mid ah wargelin ku siiyay wasiirka arrimaha dibadda Yaasiin Xaaji Faratoon, isagoo aan haba yaraate warqadan lagu xusin wasiirka gaadiidka iyo horumarinta jidadka, waxaanu unugan uu Madaxweynuhu dhisay ay si toos ah u hoos imanayaan Madaxweyne Biixi.

Madaxweyne Biixi wuxuu warqadiisa ku yidhi “Anniga oo tixraacaya waraaqda ay soo qortay Sanduuqa Horumarinta ee Abu Dhabi ee tirsigeedu yahay no. ADFD-DG-585-2020 ee ku taariikhaysan 18 May 2020 taas oo Sanduuqu uu ku codsaday in la dhiso Unnuga Fullinta Mashruuca ee ku astaysan qodobka 5aad ee Heshiiska Is-afgarad (MoU) ee ka dhexeeya Dawladda Somaliland iyo Sanduuqa Horumarinta ee Abu Dhabi.

Dawladda Somaliland waxa ay go’aansatay inay magacawdo kooxda Unnuga Fullinta Mashruuca oo ka kooban maamule u qalma oo ay kaalmaynayaan khuburo farsamo, maaliyadeed iyo maamul, kuwaas oo kala ah sidan soo socota:

Tirsi Magaca Xilka
1 Eng. Maxamuud Cabdi Maxamed (Dhuudhi) Maamulaha Mashruuca
2 Eng. Cabdikariin Xasan Nuur Injineer (Structural Engineer)
3 Eng. Mawliid Nuux Taani Injineer (Senior Engineer)
4 Eng. Cali Yuusuf Kaahin Injineer  (Survey engineer)
5 Mawliid Maxamed Raabi Sarkaalka Maaliyadda
6 Mukhtaar Xuseen Maax Sarkaalka Maamulka iyo Is-gaadhsiinta

Madaxwaynuhu wuxuu ku tilmamaay waraaqda in Unnugu hoos imanayo Madaxwaynaha. Islamarkaana xilka iyo waajibaadkooda oo uu ku faah-faahiyay madaxweynuhu qoraalka ay yihiin kuwa ku xusan farqadaha 4 iyo 5 ee Is-afgaradka (MoU). Waxaana ka mid ah:

  1. inay si joogto ah u kormeeraan islamarkaana u hayaan diiwaankeeda dhamaan hawlaha dhisme ee mashruuca Berbera Corridor.
  2. Inay si joogto ah u dersaan oo u ansixiyaan dhamaan heshiisyada la soo gudbiyo;
  3. Inay si joogto ah u korjoogteeyaan hawlaha marshuuca ee soconanaya islamarkaana ay ka bixiyaan talo farsamo dhismaha iyo wixii is-bedel ah ee daruuri ah ee ku yimaada naqshadaha hadba sida duruufta goobtu noqoto;
  4. Inay si joogto ah u kormeeraan oo u hubiyaan tayada dhamaan qalabka iyo shaqada uu gudanayo qandaraasluhu iyo/ama cidda ka wakiilka ah si waafaqsan tilmaamaha gaarka ah iyo alaabta tayadooda la ansixiyay.

Qoraalku wuxuu tilmaamay in Unnugu u xilsaaran yahay wixii xidhiidh ah ee ku saabsan masshruuca, xallinta khilaafaadka iyo dib u dhacyada iyo arimaha kale ee daruuriga ah.

“Ugu danbayntii”, ayuu ku yidhi Madaxweynuhu warqadiisa, “Waxa aanu jecelnahay inaanu ku xasuusinno in shaqaalaha Conser ay ka maqan yihiin goobta shaqada tan iyo 2 April 2020. Sidaasdarteed, Dawladda Somaliland waxa ay si dhaqso leh u codsanaysaa in shaqaalaha Conser ay dib u bilaabaan waajibaadkooda ay u xilsaaran yihiin ee ah korjoogtaynta iyo maamulka tayada shaqada socota ee mashruuca Berbera Corridor, sida ugu dhaqsaha badan. Sidoo kale Dawladda Somaliland waxa ay codsanaysa in khilaafka taagan ee ka dhexeeya qandaraaslaha NBHH iyo [shirkadaha] reer Somaliland qandaraaska ka sii qaatay (sub-contractors) ee ku saabsan bixinta lacagtii u danbaysay in loo so af-jaro si waafaqsan qodobada heshiiska.”