Sheekh Dirir Oo Ka Cudur Daartay Ka Mid Noqoshada Guddiga Tacliinta Sare

0
676

 

 

dirirHargeysa(Geeska)-Muftiga caanka ah ee reer Somaliland Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir, ayaa ka cudur daartay ka mid noqoshada guddiga tacliinta sare ee uu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, toddobaadkan magacaabay.

Sheekh Maxamed; oo shalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu sheegay in hawlaha dhinaca diinta ah oo uu mashquul ku yahay darteed aanu qaban karin shaqooyin kale, sidaas daraadeedna uu ka cudur daartay ka mid noqoshada guddigaas, “Haa; waan ka cudur daartay, waayo hawlaha dhinaca diinta ee aan gacanta ku hayo ayaan mashquul ku ahay.” Ayuu yidhi Sheekh Maxamed Cumar Dirir oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika,Waxaanu intaas raaciyay, “Waxaan hayaa shaqo ka balaadhan oo aanan wakhti ka helayn.” Sheekhu wuxuu intaas raaciyay inaan markii la magacaabayay guddigan lagala tashan balse uu ka war helay magaciisa oo ku jira guddiga Madaxweynuhu magacaabay, isagoo xusay in haddii lagala tashan lahaa uu Madaxweynaha u sheegi lahaa inaanu hawshaas qaban karayn.

Guddigan uu Madaxweynuhu magacaabay oo ay ku jiraan shakhsiyaad kala duwani, ayaa waxa qaabka loo xulay ka soo if baxay dhaliilo, kuwaas oo ay ugu horayso su’aal laga keenay xubnaha jaamacadaha ka socda ee guddiga lagu daray, maadaama oo cidda lala xisaabtamayaa yihiin jaamacadaha.