Rugta Ganacsiga Oo Beenisay In Ay Jirto Cashuur Ay Wasaaradda Maaliyadu Saddex Laabtay

0
728

 

Hargeysa(Geeska)-Rugta ganacsiga Somaliland ayaa beenisay in wasaaradda maaliyadu saddex laabtay cashuurta laga qaado ganacsatada.

Rugta ganacsiga oo daba socotay war ay baahiyeen qaar ka mid ah warbaahintu, ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray guddoomiyaha rugtaasi Xasan Cabdi Cawad, wuxuu ku yidhi,  “1. Sida warbaahinta qaarkood ku soo baxday 10/08/2011-ka ma jirto cashuur wasaaradda Maaliyaddu sadex labaatay oo Rugta Ganacsigu ogtahay, mana jirto cabasho arrintaasi ku saabsan oo Ganacsatadu u soo gudbiyeen Rugta.

2-Shirkii maalintii Salaasadii ee 9/8/2011-kii lagu qabtay xarunta Rugta Ganacsiga, ayna ku wada yeesheen Guddida fulinta ee rugta iyo qaar ka mid ah Ganacsatada dalka, waxa lagaga wada hadlayay sidii loo horumarin lahaa Ganacsiga dalka, loona xoojin lahaa xidhiidhka wada shaqayneed ee ka dhaxeeya wasaaradda Maaliyada, Rugta ganacsiga iyo Ganacsatadaba. Arintaasina si fiican baa la isula gartay.

3-Waxa kale oo laga wada hadlay in wixii tabasho ah ee ku yimaada qeybaha kala duwan ee ganacsiga ha noqoto cashuuraha ama adeegyada kale ee loo qabto. waxa la isla gartay in Ganacsatadu u soo gudbiyaan rugta Ganacsiga,Rugtuna ka hawl gasho.”