Sheekh Cismaan, Sheekh Khaliil Iyo Xildhibaano Ka Hadlay Muranka Ka Dhashay Kiniisada

0
583

Hargeysa (Geeska)-Sheekh Cismaan Cali Xuseen, oo ka mid ah Culimada dalka ugu waaweyn, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed iyo Xildhibaan Maxamed Saalax Cige, ayaa ka hadlay arinta kiniisada Hargeysa ee muranka iyo buuqa dhalisey, waxayna ka hadleen go’aanka xukuumadda, Shareecada diinta islaamku waxay ka qabto iyo Dastuurka Somaliland wuxuu ka leeyahay.

Sheekh Cismaan Cali Xuseen, oo ka mid ah Culimada dalka ugu waaweyn, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed iyo Xildhibaan Maxamed Saalax Cige, oo Wargeyska Geeska Afrika u waramaya ayaa ugu horeyn Sheekh Cismaan Cali Xuseen, wuxuu sheegay in Shareecadu aanay marnaba ogolayn in dalka kiniisad laga sameeyo, waxaanu yidhi isagoo sharxaad ka bixinaya arinkan “Marka laga hadlaayo arinta Kiinasado ma laga dhisi karaa Wadan Islaam, ama ma sii jiri kartaa, asal ahaan Muslimiinta laba qaybood baa loo qaybiyaa, Wadan dadkiisu asal ahaan Muslim yihiin, oo magaalooyinkiisa dadka muslimka ahi dhisteen, sida Hargeysa oo kale, markaas dadkaas Muslimka ahi magaalooyinkaas ay dhisteen, ee iyagu aasaaseen waa xaaran in laga dhiso kiniisad, asalkeedaba, dadkuna waxay dhisteen maaha ee niman gaalo ah ayaa dhistay, asalka shareecadana Muslimiintu iskuma khlaafsana in magaalo Muslimku leeyihiin oo ay aasaaseen in kiniisad laga dhiso, asalka sharciga ahina waa kaas”.

Sheekh Cismaan oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Waxa jiri kara dal ay muslimiintu xoog ku qabsadeen, oo jihaadkii ah, markaas haddii uu ninka xaakimka ahi uu kula heshiiyo dadka gaalada ee degan inay kiniisadahoodu sii jiraan wuu gali karaa heshiiska noocaas ah, dalka saddexaadna wuxuu noqon karaa dal muslimiinta iyo gaaladu ay heshiis wada arkeen, markii ay arkeen awooda muslimiinta, inay ka qabeen inay Muslimiinta heshiis la galeen, kaasna haddii ay yidhaahdan kiniisadahooda ha naloo daayo, waa loo dayn karaa, laakiin wadankeena oo kale iyo wadamada la midka ah, ee muslimiintu magaalooyinka asalkoodu dhiseen, waa xaaran in kinaasad laga dhiso, muslimiintuna iskuma khilaafsana, Ingiriisku isaga ayaa dalka xoog ku qabsaday, isagana daalin ahaa, isaga iyo wuxuu dhisayba dulmi ayey ahaayeen, dalkana muslimiin baa leh, wax aanay muslimiintu lahayna lagama dhisi karo, wax isa saarana maaha, waxana waa Diin, haddii aad tidhaahdo ninka saliibka rumaysan saddex Ilaah baa jira ama rumaysan Ciise waa ina Illaah diintiina ayaan ixtiraamaya oo aan ku qadarinayaa, macnaheedu waxa weeye baadil baadil sugaysa, waana qadiyad ku wada qoran kutubta, oo mad-habta oo dhan baa la akhiryi karaa, xitta mad-habka shaaficiyada ee umaddani u nisbo sheegato inay haystaan si cad buu u qeexayaa in magaalo kasta oo muslimiintu leeyihiin oo ay dhiseen oo ay bilaabeen waa xaaran in laga dhiso meel lagu caabudo Illaah aan ALLE ahayn, masaladaas xukunkeedu sidaas ayuu noqonayaa, laakiin wax ka qabadkeeda iyo waxa laga yeelayo Dawladda ayey u taala, anagu fulin ma nihin laakiin wax sheegid baanu leenahay”

Sheekh Cismaan isagoo Xukuumadda baaq u diraya ayaa yidhi “Xukuumadda waxaan ugu baaqayaa in wixii diinta khilaafsan inay iska ilaaliso, shacabkana waxaan leeyahay wixii diin ah dawlad ayaa masuul idiinka ah, ee wixii khal-khal keenaya mudaharaad iyo waxa la midka ah inay ka fogaadan”

Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed oo isna aanu wax ka weydiinay arintan kiniisad iyo go’aankay Xukuumad ahaana ka gaadheen ayaa yidhi “Dadka waxaan ugu baaqayaa inay nabadooda ilaashadaan oo culimadooda iyo dawladdoodana aaminaan, dadkeenu waa dad islaam ah, oo diintooda ilaalinaya, shareecadeena  ma ogolin qof gaalooba, markaas meesha waxa yaala dadkii gaalada ahaa, markaas kiniisad cusub oo la furayaa ma jirto, kiniiisad cusub oo imika laga fikiraana ma jirto, ee toodaas hore ayey isticmaalayaan, oo nin gaala oo reer Somaliland oo awalba hayn jiray ayaa ku dhex aasan, ee inta tagaysa Kiinsada, lama odhan karo cibaado waa Hay’addihii iyo dadkii martitda ahaa, dad Somaliyana maaha, dadkeeniina maaha, ee intii midi guri hoosta ka soo xidhan lahaa, meeshooda ha ku ururaan oo ha joogaan”.

Wasiirka diinta iyo awqaaftu mar uu Bulshada baaq u diraayey wuxuu yidhi “Kiniisad cusubi ma jirto ee haddii ay jirto ha na soo tusaan, oo Saxafadda ha soo tusaan, wararkana ha laga fiirsado oo ALLE ha laga baqo, yaan laga faa’iidaysanin nabadgalyada Somaliland, oo cadawgu yaanu inaga faa’iidaysanin, Gabadhiina waanu saarnay”.

Xildhibaan Maxamed Salaax oo isna ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada oo arinta ka hadlaya ayaa yidhi “Arinta runtii ku saabsan kiniisada, ee dhawaanba Bulshadu hadal haysay, Golaha Wakiiladana nin Xildhibaana ayaa soo jeediyey oo yidhi arinkaas wax ha laga yidhaahdo, kadibna aara kala duwan ayaa meeshaas ka soo baxay, Diinteenu waxay marwalba inoo jideeyso inaynu qaadano ayaa haboon, Dastuurkii loo codeeyey ee umaddu isku wada raacday, wuxuu leeyahay ayaa saxa ah oo ah in la qaato, mar haddii labadaas arimood is raacana, oo shareecada Islaamkuna ogolaato, Dastuurkuna ogolaado sabab loo diido Kiniisada anigu ma qabo, balse haddii ay labaduba ka soo hor jeestaan oo aanay ogolayn sabab loo ogolaada ama dawladdi u ogolaato ama cid kale u ogolaato ma jirto, Dastuurkeena qodobkisa shanaad wuxuu tilmaamaya in diin aan Islaam ahayn dalkan lagu fidi karin, sidaynu ognahayna kiniisadu waxay caan ku tahay ama lagu wada yaqaana inay tahay goobaha laga fidiyo diimaha, sidaas darteed haddii la ogolaado kiniisadaas oo Xukuumaddu ogolaadto ama ay rabto inay ogolaato macnaheedu waxay ogolaatay in Hargeysa gudaheeda laga fidiyo diinta kiristaanka, markaas inagu waxay nahay dad islaam ah, ee aad ha looga feejignaado in la ina khaldo”.