Ma Run Baa In Dalka Laga Saaray Gabadhii Xiisada Kiniisada Kicisay?

0
527

Hargeysa(Geeska)-Warar aan la xaqiijin oo soo baxay ayaa sheegaya in dawladda Somaliland go’aansatay in dalka laga saaro haweenay dhawaan magaalada Hargeysa kaga hadashay arrinta Kiniisada oo xiisad abuurtay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dawladu go’aamisay in gabadhaas dalka laga saaro, halka ay warar kalena sheegayaan inay dalkaba ka baxday.

Culimada, bulshada iyo siyaasiyiinta qaarkood ayaa aad uga hadlay dhawaaqa ka soo ye edhay gabadhaas oo ajaanib ahayd, waxaana laga yaabaa in dawladu xal u aragtay inay gabadhan dalka ka saarto si xiisadu u degto.