“Xukuumaddu Xil Dheeraad Ah Ha Iska Saarto Wax Ka Qabashada Culuska Sicir-bararka Ummaddu La Dhiban Tahay..” Xil. Garas

0
478

Hargeysa (Geeska) – Xildhibaan ka tirsan Golaha Guurtida ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan abaaraha iyo sicir bararka dalka ka jira, waxaanu ku baaqay in sida ugu dhakhsaha badan wax looga qabto, oo aan la is dhigan.

Xidhibaan Saleebaan Garas Seed oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika wuxuu yidhi “Waan arkaa xaalada siyaasadeed ee dalka ka taagan, balse wax walba igaga culus ayaa ah abaaraha dalka ka jira, oo dadku wali u cadiban yihiin, iyo sicir bararka oo ilaa hadda waxba laga qaban, markaas dadka ay abaaruuhu hayaan wax ha loo qabto,, sicir bararka dalka ka jirana wax ha laga qabto, oo Xukuumaddu xil dheeraad ah ha iska saarto wax ka qabashada culuska sicir bararka umaddu la dhiban tahay, abaarahana ILLAAHAY ayuun baa inaga dulqaadi kara ee ILLAAHAY aynu barino, dadkeena ay abaaruhu hayaana wax ha la taro”

Dhinaca kale wuxuu ALLE uga baryey Sheekh Aadan Siiro inuu jannadii ka waraabiyo, Samir iyo imaana ha siiyo guud ahaan umadda reer Somaliland ee uu ka baxay.

 

Geeska.net/Hargeisa Office