Sheekh Atamkii Ka Dagaalami Jiray Buuraha Galgala Oo Isu Dhiibay Dawladda Soomaaliya

0
522

Picture3Muqdisho(Geeska)-Maxamed Siciid Atam, oo ahaa hoggaamiyaha kooxda ka dagaalanta Buuraha Galgala, ayaa si rasmi ah isugu dhiibay dawladda Somaliya ee uu Xasan Sheekh hoggaamiyo, waxaanu eedaymo u jeediyay Al-Shabaab. Sheekh Atam, wuxuu sheegay inuu si rasmi ah uga tagay kooxda Al-Shabaab, lana shaqaynayo dawladda Somaliya, isagoo eeddo u jeediyay Al-Shabaab. “Waxaan maanta go’aansaday inaan iskaga tago Xarakada Al-Shabaab arrimo badan awgood.” Sidaas ayuu yidhi Sheekh Atom oo shalay shirjaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ee caasimada Somaliya, isagoo intaas raaciyay “waxaan cadaynayaa inaan maanta waxii ka danbeeya aan mabaadiidayda iyo fikirkeyga aan ku gudbisan doono qaab nabadeed iyo Isfaham, arrinkaasna waxaan isla garanay dowladda Soomaaliyeed. Waxaanan uga mahadcelinayaa sida la ii soo dhoweeyey.”

Dawladda Somaliya ayaa hadalkaas ka dib ku dhawaaqday inay soo dhawaynayso goosashada Atam, sidoo kale wasiirka amniga Puntland ayaa isna shalay cadeeyay inay Puntland soo dhawaynayso is dhiibitaanka Sheekh Atam, waxaanu sheegay inay la socdeen go’aanka uu isugu dhiibay dawladda Somaliya.