Sheekh Almis Oo Ka Hadlay Qaabkii Xadhigiisu U Dhacay Iyo Waxa Uu Ka Aaminsanyahay Somaliland

0
870

 

 

yaxya

Hargeysa(Geeska)-Sheekh Amis Yaxye Xaaji Ibrahim oo ka mid ah culimada dalka ayaa ka hadlay qaabkii xadhigiisa iyo weliba waxa uu ka aaminsanyahay Jamhuuriyadda Somaliland. Waxaanu xadhigiisa ku tilmaamay mid lagu deg degay isagoo beeniyay waxyaabaha lagu eedeeyay.

 

Ciidamada ammaanka ayaa galabnimadii khamiistii xidhay Sheekh Almis iyo laba nin oo kale oo lagu eedeeyay inay Hargeysa ku dhex samaynayeen Basaborka dawladda Somaliya, iyagoo ciidamada ammaanku soo bandhigay Dhukumentiyo ay sheegeen inay saddexdaas ruux la soo qabteen. Laakiin Sheekh Almis iyo labadii ruux ee kale ayaa habeen hore la sii daayay. Sheekh Almis waxa uu shalay hadal ka jeediyay Masaajid ku yaala magaalada Hargeysa oo uu tukuiyo, waxaanu isagoo ka hadlaya waxa uu Somaliland ka aaminsanyahay uu yidhi, “Somaliland waxaan ka aaminsanahay iyo sidaan u aaminsanahay iyo waxa aan la rabo iyo sidaan rabo inay noqoto ayaan idiin sheegayaa oo muran aanu ku jirin. Ina aadan waxii afkiisa laga hayaa laga qoraa, waxba hamalaawaalin uurkayga waxa ku jirana ee anigaba kuu sheegi. Burush aan caafimaad qabin waxba yaan laysla daba socon. Somaliland waxaan u aaminsanahay jamuuriyad gooni isu taagtay maamul samaysatay dastuurkeedii kitaabka alle ka dhigatay, oo ku qortay inay lid ku tahay waxii shareecada ka soo horeeda. Iyadu aanay cidna dulmiyin, iyadna in la dulmiyo aan qaadanayn. Dhulkeedu uu balaadhan yahay heshiis ay ku yihiin oo ay wada samayteen maamul ilaa bari ilaa galbeedkeeda iyo inta caloosha taalaba oo isku duuban. Kama aaminsani Qafis xidhan, meel aan albaabo lahayna oo neef xuni ku jitro, ee waxan ka aaminasanahay inay albaabo iyo neef wanaagsan inay ka buuxdo, adduunkana cilaaqad la’leh inta gudaha joogtana isku xidhantahay, ma aminsani in Hargaysa la kala guro. Taasi waa mawqifkayga saxda ah.”

Sheekh Almis, isagoo ka hadlaya xadhigiisa iyo sidii uu u dhacay wuxuu yidhi, “Waddo wadooyinka Hargaysa kamida ayaa anigoo lugaynaya ayay laba gaadhi ay I qabteen guri guryaa dawlada kamida ayaa lay geeyay, waxaa laygu yidhi baasaaboor Somali weyn leedahaad samaynaysay ayaa laydhi. Jornaalada oo dhan ayaa laygu nabay iyadoo baasaboor laygu ag sawiray. Dawlada Somaliland een sheegay waxaynu hadhsan kanaa marka aan loo isticmaalin hay’adaheeda dan gaara oo cid lagag aar goosanayo, marka aan loo isticmaalin wanjalid, marka aan loo isticmaalin cimaamada iyo khamiiska wanjal wadaadeed. Goobtii umada ka dhaxaysay een codkeedana ka qayb galnay oo aan hantideena kaga qayb galnay ee aabayaasheen ay dhiigeedo u shubeen, maantana ma jirto cid aan ka sugayo dhalashada Somaliland dhulkana waan u wada simanahay. In markaa naloo soo isticmaalo caanaasir dawlada kamida oo nalagu soo laaluusho haybadii dawladu inay dhacaysaan arkaynaa, oo goobihii umad ka dhexeeya intuu qof shicibi galo uu yidhaahdo I tus xogta wixii aad waraysi ka qaaday. Marka qofkan xogta doonayaa muxuu yahay miyaanu shacab hayn xaguu ka keenay awooda uu ku daalacanayo macluumadka qofka kale ee shacabkaa laga qaaday.”

Wuxuu u mahadceliyay ciddii xabsiga ku booqatay iyo weliba ciddii ka qayb qaadatay soo dayntiisa, waxaanu yidhi, “Dhammaan dadkii igu soo booqday intaan xidhnaa waan u mahad celinayaa waxanan leeyahay intaan xidhnaa wax badan ayaan ka soo faa’iday oo jeelkaan soo arkay, imika wixii ka danbeeyana ciddii la qabto waan soo booqan doonaa. Waxaan u mahad celinayaa oo kale intii ku dadaashay inaan ka soo baxo jeelka oo uu madaxwaynaha dalka iyo wasiiradiisuba ay kamid yihiin.”

Ugu dambayn isagoo la hadlaya cid aanu magacaabin, wuxuu yidhi  “Waxaan leeyahay qolyahayaga cumaamadan ee xoogaa isyara eryanayna dee insha allaah markaan khudbadaa ka soo daadagnaan magaalada isugu nimaadnaan kala baxaynaa.”